Wasiirka Waxbarashadda Oo Dhagax Dhigay Dhismeyaal Lagu Soo Kordhinayo Kuliyadda Tababarka Macalimiinta

0
487

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta dhagax dhigay dhismeyaal cusub oo lagu kordhinayo xarunta kuliyadda tababarka macalimiinta ee magaaladda Hargaysa.
Dhismahani cusub ee lagu kordhinayo kuliyadda tababarka macalimiinta magaaladda Hargaysa waxa uu ka kooban yahay dhawr qaybood oo ay ka mid tahay qaybta Hooyga oo laga dhisi doonno Dabaq ah.
Kaasoo ka koobnaan doona ilaa 24 qol, oo leh dhamaanba imkaanyaadkiisii oo dhamaystiran, sida Musqulihii, qaybta cunto-karinta, qaybtii hurdadda iyo qaybo kale.
Mashruucani waxaa maalgelinaya labadda qaadhaan-bixiyeyaal ee kala ah Global partnership for education GB iyo ururka Midawga Yurub, iyadoona lacagta ku baxaysa dhismahaasi la soo mariyay haayadda Save the Children.
Dhagax dhigga dhismeyaashan lagu kordhinayo kuliyadda tababarka macalimiinta waxaa wasiirka ku wehelinayay wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Cabdixakiin Siciid Muuse, agaasimaha kuliyadda tababarka macalimiinta ee Hargaysa Axmed Cumar Quule.
Masuuliyiin ka kala socday haayadaha Save the children, Global partnership for education GB iyo ururka Midawga Yurub, iyo xubno ka socday shirkadaha ku guulaystay qandaraaska hirgelinta dhismeyaashaasi.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in mashruucani uu wax weyn ku soo kordhinayo horumarinta waxbarashadda Somaliland.
Waxaanu wasiirku uga mahad celiyay haayadda mashruucani maalgeliyay, oo kala ah Global partnership for education GBE iyo ururka Midawga Yurub.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland, Cabdixakiin Siciid Muuse, oo isna hadal ka jeediyay dhagax dhiga dhismahaasi ayaa sheegay in hirgelinta kuliyadda tababarka macalimiintu ay ka mid ahayd balan-qaadyadii uu ololihii doorashadda ku gallay xisbiga Kulmiye
Taasoo uu sheegay in ay qayb ka tahay siyaasadaha guud ee uu dalka ku hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Agaasimaha kuliyadda tababarka macalimiinta ee Hargaysa, Axmed Cumar Quule, ayaa isna ka mahad celiyay in qaybihii hore ee dhismaha kuliyadda lagu soo kordhiyo qayb cusub.
Geesta kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Cabdinaasir Cumar Sahal, oo ka socday haayadda Save the Children, waxaanu faahfaahin ka bixiyay qaybaha uu dhismahaasi ka koobnaan doonno.
Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay Maxamed Maxamuud, oo ka socday haayadda Global partnership for education GBE.
Dhinaca kale waxaa iyagna halkaasi ka hadlay masuuliyiin ka socday shirkadaha ku guulaystay fulinta dhismeyaashaasi, iyo shirkadda diyaarisay nashqadda dhismahaasi.
Waxaanay halkaasi ka balan qaadeen in ay dhisi doonaan dhisme tayo leh, isla markaana ay sidii loo qorsheeyay u fulin doonaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here