Czech Republic iyo Somaliland Oo Iska Kaashanaya Mashruuc Qashinka Tamar Lagaga Dhalinayo

0
549

Hargaysa (HP): Dawladda jamhuuriyadda Czech Republic ayaa Somaliland kala shaqaynaysa qorshe la doonayo in Qashinka tamar la shito oo faa’iido leh looga dhalin lahaa.
Waxaana maanta agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday dawladda Czech, oo booqasho ku jooga Somaliland.


Masuuliyiintani ayaana ka socday shirkad la yidhaahdo ERVOeco od LOGeco, waxay sheegeen in ay dalka u yimaadeen sidii ay Somaliland ugala shaqayn lahaayeen mashruuc la doonayo in tamar lagaga dhaliyo Qashinka.
Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ahaa oo lagu baahiyaya bogga ay wasaaradda deegaanka iyo sbedelka cimiladu ku leedahay Facebook, oo lagaga hadlay mashruucaasi Qashinka tamarta loogu bedelayo.
“Agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada oo uu wehelinayo agaasimaha waaxda Fayo-dhawrka degaanka magaalooyinka ee wasaaradaasi, iyo la taliyaha wasaaradda, ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socday wadanka Czech Republic.


Kuwaasi oo danaynaya in ay inagala shaqeeyaan sidii Qashinka kala duwan Tamar looga dhalin lahaa. Sidoo kalena siyaabo kala duwan loogu farsamayn lahaa Qashinka” ayaa lagu yidhi warkaasi.
“Masuuliyiintani oo ka socday shirkad la yidhaa ERVOeco od LOGeco, ayaa agaasimaha sharaxaad dheeraad ah ka siiyay hanaanka uu u shaqaynayo barnaamijkaasi ay doonayaan in ay ka hirgeliyaan Somaliland”.
Geesta kale waxaa warkaasi qoraalka ahaa lagu sheegay in wasaaradda deegaanku ay ku kor joogtayn doonto in lagu ilaaliyo xeerarka iyo siyaasadaha u yaalla dalka ee muwaadiniinta iyo guud ahaanba qaranka u sahlaya in ay ka faa’iidaystaan.
“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladu, waxay soo dhaweynaysaa daneeyayaasha jecel in ay maalgashadaan dhinacyada khayraadka Qashinka, khayraadka dabiiciga ah.
Iyada oo lagu kor joogtayn doono in lagu ilaaliyo xeerarka iyo siyaasadaha u yaalla dalka ee muwaadiniinta iyo guud ahaanba qaranka u sahlaya in ay ka faa’iidaystaan” ayaa lagu yidhi warkaasi laga soo saaray kulanka agaasimaha iyo xubnaha ka socday dalka Czech.


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here