Dil Dilaaca Xisbiga Kulmiye Intee Leeg-Bu Saameyn Ku Yeelan Kara Mudada Yar Ee Uga Hadhey Xukuumadda Silaanyo?

0
954

Waxa la muddeyey 10 November 2015  waqtigi qobsoomidda shirweynihi golaha dhexe kulmiye ee lagu dooranaaye musharax madaxweynaha ee doorashada March 2017  kaasoo in badan muran ka taagnaa qabsoomidisa, aakhirkina madaxweyne Silaanyo qaatey soo jeedinti guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muse Bixi in waqti hore la qabto si loo daba qabateeyo dil dilaaca la filaayo inu ka dhaco shir weynaha maamulkisa iyo natiijada ka soo baxdaba .

 

Taaso uu kalsooni badan ku qabo maxsuulkeeda maadaama uu yahey guddoomihi xisbiga ee midida daabkeeda gacanta ku haya .Haddaba waxa markiba soo if baxey khilaaf xoogan oo hor leh oo ku saabsan in garabka guddoomiye Muse Bixi uu ku kaliyestey diyaarinta qaban qaabada hawlaha shirweynaha golaha dhexe sida xulista bedelka xubnaha ka tagey/geeriyoodey xisbiga , hubinta iyo diwaangelinta xubnaha golaha dhexe ee saxda ah ee ka qeyb galeya shirweynaha iwm .Markay garabka isbaheysiga Maxamad Bixi/Kijaandha/Samaale ka cawdeen arrinta waxa lagu heshiyeey in musharaxinta Muse/Seylaci ka baxaan hawlaha qaban qaabada shirweynaha oo loo daayo afarta kale hoggaanka xisbiga iyado Maxamad Kaahin/Xasan Siciid ay metalaayaan Muse/Seylaci halka Talyanle/Waabeye ay metalayaan isbaheysiga Maxamad/Kijaanda/Samaale .Arrintaas oo markiba ay debedda uga soo bodeen Talyanle/Waabeye iyago shir jaraa’id ku durey habsami uu socadka diwaangelinta, sheegeyna in loo diidey hubinta kadhadki hore loo qaatey iyo in xogheynta ay ku darsadaan dad iyaga u jooga .

 

Haddaba waxa xusid mudan in madaxweyne Silaanyo mar walba ku cel celin jiray inu dhex uu yahey nimankaa saaxibadi ee ku tartamaaya musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye oo aanu isagu cid gaar ah wadan, doorashaduna si xor oo xalaal u dhaceyso .Arrintaaso noqotey wax ba kama jiraan marki uu la shiray oo uu amar ku siiyey xubnaha wasiiradda beeshisa kaga jira xukuumadisa iney ku daba faylaan musharaxnimada guddoomiye Muse Bixi, amarkaaso uu diidey wasiirki ugu tunka weyna xukuumadisa Xirsi Xaaji Cali, kalifteyna inu iscassilo isaga iyo laba iyo toban wasiir iyo masuul.

 

Waxaaney noqotey dhacdadan  Iscassilaada xajmiga inta leeg oo aan hore Somaliland uga dhicin ( arrin ugub ah ) xoogna uu gilgishey xukuumadda Silaanyo oo baryahan ba awoodeedu soo shiikheysey ducfi hoggaamineed awged .Haddaba xubnaha isbaheysiga oo tageerayaashooda ka mid yihin labeenti xisbiga ( the elites of the party ) sida xubnihi ugu misaanka cusla wasiirada aqlabiyaddi golaha wakiiladda iyo shirguddoonkoodi oo markey doonaan soo dhigi doona mashruuc xil ka xayuubin, iyado ay badantahey qodobada dastuuriga ah ee uu  jabiyey madaxweyne silaanyo ,ki ugu dambeyana uu aha ku wareejinti haamaha berbera ganacsato gaar ah oo xukuumaddu wadato iyado ay golaha wakiiladu hore uga soo saareen xeer sharci inaaney xukuumaddu wareejin karin haamaha madaama xukuumaddu ka lexatey hab maamulka dawliga ah sida bandhig qandaraas ka qeyb kalkisana u wada siman yihin muwaadinant reer S/L .

 

Iyado waqti yar uu ka hadhsan yahey muddadi 10 November waxaynu sugna wa dufaano siyaasadeed oo gilgila xukuumadda madaxweyne Silaanyo, bar madowna ku yeesha taariikhdisa siyaasadeed .

 

Alla mahad leh.

Eng Bashe  Cabdi Gaboob .    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here