Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyey Agaasime waaxeedyada Wasaaaradda Beeraha.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Mudane Sacad Muuse Cabdi oo ku sabsanayd isku shaandhaynta iyo magacaabista Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Beeruhu ayaa waxa ay u dhignayd Sidan.
Ujeedo: Magacaabis Iyo Iskushaandhayn Agaasimayaal
Markii ay u muuqatay Wasiirka W/Beeraha baahida in la dardargaliyo tayaynta shaqada Wasaaradda Beeraha iyo kordhinta tacabka waxsoosaarka
Markii uu Wasiirka W/Beeruhu arkay in gabdhaha waxbartay ay ku dabranyihiin karaani ama xoghayn oo aan waafaqsanayn xuquuqda distoorka qaranku siiyey haweenka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaadna amaray in loo fuliyo, wuxu soo saaray magacaabis iyo iskushaandhaynta soo socota:-
Magaca Agaasimaha | Waaxaha Wasaaradda Beeraha |
Cabdirashiid Maxamed Axmed | Agaasimaha Waaxda Bustaanada iyo Shinida Malabka |
Ibraahim Carab Ceelaabe | Agaasimaha Waaxda Cagafyada, Gaadiidka & Horumarinta Beeraha |
Maxamed Liibaan Ismaaciil | Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Biyaha |
Hodan Axmed Maxamed | Agaasimaha Waaxda Qorshaynta & Tirokoobka |
Yaasmiin Xasan Saciid | Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha |
Cabdirasaaq Cabdillahi Ibraahim | Agaasimaha Waaxda Tijaabada & Abuurbadinta |
Ibraahim Cumar Kaahin | Agaasimaha Waaxda Mashaariicda iyo Xidhiidhka Hay’adaha |
Alla Mahadleh,
Sacad Muuse Cabdi
Afhayeenka W/Beeraha