Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo qaabiley wefti ka socda Ingiriiska

0
1373

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa xafiiskiisa kula kulmay masuuliyiin ka socday Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland iyo Madaxda BBC Media Action.

Kulankan waxa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Siciid Xasan Habane iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mustafe Cabdi Ciise Shiine, halka masuuliyiinta dawladda Ingiriiska ay hoggaaminaysay Christina Toepell oo ah ku-xigeenka madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, Tasmin oo ah ka socotay xafiiska horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska ee FCDO, Madax goboleedka BBC Media Action Lynn Morris iyo Madaxa mashaariicda ee BBC Media Action Khaalid Jamaal.

Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta iyo saraakiisha ka socday Ingiriisku waxa ay iska xog warraysteen barnaamijyada wacyigelinta ah ee ka baxa Radio Hargeysa ee ay gacanta ka geysato BBC Media Action.

Sidoo kale, Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Warfaafintu waxa ay kala hadleen xarunta tababarka Saxaafadda iyo sidii ay kaalin uga geysan lahaayeen BBC Media Action.

Waxa labada dhinac ay isku raaceen inay sii xoojiyaan wada shaqeyntooda iyagoo u ballamay kulamo kale in lagu sii ambo-qaado dhinacyada ay iska kaashanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here