Baashe Cawil oo ka hadlay dhaqangalka-heshiiskii Itoobiya iyo mowqifka shirka Turkiga

0
1699

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha guddiga heer qaran ee qiimeynta iyo dib u eegista heshiiskii is-fahan ee Somaliland iyo Itoobiya Danjire Baashe Cawil Xaaji Xuseen, ayaa ka hadlay halka uu marayo heshiiskii isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen 1 bishii January ee sannadkan iyo halka dhaqangelintiisu ay marayso.

Baashe Cawil oo maanta u waramay Idaacada VOA, ayaa sheegay in uu meel fiican marayo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, isla-markaana lagu guda-jiro heshiiskii dambe ee rasmiga ahaa.

Wuxuu xusay in heshiiskii isfahan ee Somaliland iyo Itoobiya wada gaadheen uu horyaalo sharciyaqaanada Somaliland, oo ay rajaynaynayaan inay si dhakhso ah u soo gabagabeeyaan kadibna wadahadalkii foolka foolka ahaa bilaabmo.

“Sidaynu la wada socono 1 bishii January ayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed heshiis kala saxeexdeen, heshiiskaa markii la kala saxeexday isfahanbuu ahaa, heshiiskii dambe ee rasmiga ahaana waalagu gudajiraa. Madaxweynuhuna guddi buu magacaabay ka kooban toddoba xubnood oo muddo hawsha waday, wadatashi sameeyay oo deegaanada soo maray, imikana hawshii soo gabagabeeyay. imikana heshiisku wuxuu horyaala sharciyaqaanada. Waxaanan rajaynaynaa inay si dhakhso ah u soo gabagabeeyaan kadibna wadahadalkii foolka foolka ahaa bilaabmo”. ayuu yidhi Baashe Cawil Xaaji Xuseen.

Baashe Cawil, ayaa sidoo kale ka hadlay hadal haynta ka taagan kiiloomitir-ka ay Somaliland badda ka siisay Itoobiya, waxaanu sheegay in heshiiskii isfahan ee ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen ay ku qoran tahay 20KM iyo 20.

Wuxuuna xusay in heshiiska dambe iyo go’aanka dambe ee dhabta ah ee soo bixi doonaa aanu noqon doonin khasab oo waxlaga bedeli doono, isla-markaana ay arrintaasi ku xidhan tahay heshiiska dambe.

Mar wax laga waydiiyay saamaynta heshiiskii isfahan ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, uu ku yeelan karo wadahadallada dalka Turkiga uga bilaabmay Itoobiya iyo Soomaaliya, ayuu sheegay in aanay Somaliland wax dhibaatada ah u arkayn oo aanay khusayn hadii ay Itoobiya iyo Soomaaliya ka wadahadlayaan amuurahooda u gaarka ah ee ka dhexeeya.

“Anagu in Itoobiya iyo Soomaaliya wadahadlaan wax dhibaato ah uma aragno. Sababto ah dalalkastaaba maslaxado ayay leeyihiin. Dal walbaaba markuu maslaxadiisa ka hadlayo. Dalka kale ee ay jaarka yihiin ee ay wadahadlaan ee maslaxad iyo walaaltinimo meesha ka dhacdo cid walba waa u dan, Somaliland, Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti waa u dan.”. ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in hadii Itoobiya ay danaheeda ka dhex aragto meel kale ay Somaliland u arkayn wax dhibaato ah oo ay soo dhawaynayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here