Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa warbaahinta dalka Somaliland ka dalbaday inay ka hortagaan dacaayadaha ay warbaahinta Xamar ku hayso qaranimada Somaliland.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay doorka toolmoon ee ay saxaafada Somaliland ku leedahay horumarka dalka.
War-saaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress.com ayaa u dhignaa sidan:-