Somaliland: 11,000 oo Arday oo Saaka U Fadhiistay Imtaxaanaadka Shahaadiga

0
1699

Hargeisa (Hargeisa Press)- Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka afraad ee dugsiga sare ee Somaliland ayaa saaka ka bilaabmay dhamaan gobolada Somaliland.

Laba boqol oo goobood oo gobolada dalka ah ayuu si rasmiya imtixaanku uga furmay.

Waxaa imtaxaanaadka u fadhiistay tiro ku dhow 11,000 kun, oo arday dugsiyada sare.

Imtixaanaadka ayaa waxaa uu socon doonaa maalin qudha oo ku egg isla maanta, xanuunka Coronavirus awgii.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Axmed Maxamed Diiriye ayaa saaka Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ku daah furay dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wasiirku waxa uu ardeyda imtixaanka gelaysa kula dardaarmay, in ay si habsami ah imtixaanka u galaan oo ay kalsooni muujiyaan.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku u rejeeyey ardeyda guul ay ka gaadhaan imtixaanka ay maanta u fadhiisteen iyo guud ahaan hayaanka waxbarasho ee ay ku higsanayaan rumaynta himmilooyinka mustaqbalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here