Wasiirka Warfaafinta oo Kulan La Yeeshay Shaqaale Weynaha Wasaaradda

0
410

Hargeysa (HP): Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa sheegay in wasaarada warfaafintu ay tahay Murraayadii qaranka.

Waxaanu balan qaaday in wasiir ahaan uu dar-dar gelinayo sidii ay wasaarada Warfaafintu u noqon lahayd mid hagta bulshadda.

Sidaas darteedna waajibaadka ugu weyn ee wasaaradda saarani uu yahay wixii dalka soo weerarra looga baahan yahay in Af lagu difaaco.

Wasiir Cali-mareexaan, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan uu shalay la yeeshay shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta.

Wasiirka oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qodob na waynu iska ilaalinaynaa, inaga dunidoo dhami, haday dalka tahay iyo haday dunida kale tahay ba, kuwa Somaliland jecel, iyo kuwa neceb ba, waa in aynu war wanaagsan gaadhsiino, isla markaana dalka difaacno.

Wixii dalka soo weerar af baad ku difaacaysaan. Waajibaad kaa weyn ayaa la inaga sugayaa. Waa dar-dar gelin iyo dhiiri gelin uun”.

Wasiirka cusub ee warfaafinta Somaliland Cali-mareexaan, waxa kaloo uu ka waramay qiimaha ay qarana u leedahay wasaaradda warfaafintu, isla markaana ay taariikh aad u weyn ku dhex leedahay guud ahaanba mujtamaca Soomaaliyeed.

“Halkan waxaa taalla taariikh weyn, waxaa ka mid ah Axmed Saleebaan Bidde, oo ah taariikhdii Fanka, iyo Dhaqanka Soomaalida. Waxaana wasaaradan yaalla 70 sanadood wixii uu tabcayay. Wasaaradda Warfaafintu dhinac taariilhbay ka tahay, dhinac Madxaf bay ka tahay, dadkii tacabkaa geliyayna ummadu way idiin og tahay.

Radio Hargeisa ayaa wasaaradan ku taalla, oo 81 sanadood shaqaynaysay, waana idaacadii ugu horaysay ee Af Soomaali ku hadasha.

Halkani waa halkii fanka Soomaalida lagu aasaasay. Markaa halkani waa halkii Af Soomaaliga casriga ah, iyo suugaanta laga baray Soomaalida kale” ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiirka warfaafintu waxa uu tilmaamay isagu na uu qorshahiisu yahay sidii loo sii dar-dar gelin lahaa shaqadda miisaanka leh ay wasaaradu qaranka u hayso.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu na shaqadii hore loo qabtay ayuun baan isku deyi in aan dar-dar geliyo.

Maadaama oo ay wasaaradu tahay Murraayadii qaranka, goobta lagu shaqaynayaa waa in ay ka qurux badnaato goobaha kale, qalabka lagu shaqaynayaana waa inuu ka casrisanaadaa qalabyadda kale.

Intaaba waxaynu ku dedaali doonaa in aynu muddo kooban si wada jir ah uga shaqayno. Wasaaradda Warfaafinta Muqaalkeeda, Hankeeda, Qalabkeeda, Quruxdeeda iyo qorshaheedaba kor ayaan u qaadaya muddadaan joogo”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here