Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Yeeshay Hay’addaha UN-ta

0
1313

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa waxaa uu maanta kulan la yeeshay Wefti balaadhan oo ka socda Hay’addaha UN-ta.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo Weftiga UN-ta, ayaa waxaa uu ka qabsoomay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, iyadoona ay ku wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Waxaana kulanka oo saacado qaatay lagaga wadahadlay wejiga 4aad ee mashruuca maamul daadejinta dowladaha hoose ee JPLG-ga oo la filayo in uu sannadka cusub ee 2024 bilaabmo.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu lafa guray wejigii 3-aad ee dhammaaday, waxyaabihii guud ahaan qabsoomay iyo caqabadiihii ka hor yimi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here