Madax-dhaqameedka Bariga Burco oo Baaq Kasoo Saaray Dagaaladii Buq-dharkayn iyo Yayle

0
1011

Burco (Hargeisa Press)- Shirwayne loogu magacdaray Talowadaag oo ay iskugu timid madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beelwaynta Bariga Burco, ayaa laga soo saaray go’aamo la xidhiidha dagaaladii dhawaan ka dhacay Buq-dharkayn iyo Yayle.

Madaxda dhaqanika bariga Burco, ayaa sheegay in aanay u dulqaadan doonin duulaan ka dhan ah deegaanadooda, waxaanay isla qaateen midnimada beesha iyo difaaca dhulkooda sidoo kalena waxa ay sheegeen in aanay iyagu duulaan ku ahayn deegaanada ay oodwadaagta yihiin.

Qodobo Shirkan laga soo, ayaa waxay u dhignaayeen sidan:-

“Bayaan ka soo baxay shirwaynaha Talowadaag ee Beelaha Habarjeclo.

Mudadii u dhaxeysay 25-kii – 28-kii – Noveber 2023 oo waafaqsan 11-kii ilaa 14-kii -Jamadul 1/1445H waxaa beelaha Habarjeclo uga socday Magaaladda Burco Shirwene ay kaga arrinsanayeen colaadaha ka taagan deegaanadooda.

Magaca shirku wuxuu ahaa Talo-Wadaag waxaana kas oo qaybgalay Salaadiinta, Boqorro, Cuqaal, Gudidas Guud ee Beelaha Habarjeclo, Xildhibaano, Culimo, Siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro iyo qurbajoog.

Shirka waxaa si qotadheer oo mug iyo miisaan leh loogu falanqeeyey duruufaha ka jira Somaliland guud ahaan, gaar ahaan dhacoodyinkii iyo duulaankii ay Beesha Dhulbahante oo kaashanaya Daarood ku soo qaadeen Beelaha Habarjeclo.

Shirka waxaa ka soo baxay go’aamo iyo bayaan waana sidan soo socota:

  1. Shirwaynaha Talo-Wadaag ee Beelaha Habarjeclo wuxuu si buuxda u taageersanyahay jiritaanka iyo Qarannimadda Somaliland.
  2. Shirwaynaha Talo-Wadaag ee Beelaha Habarjeclo waxay isla qaateen midnimo iyo difaaca deegaanadooda.
  3. Shirwayahan Talo-Wadaag ee Beelaha Habarjeclo waxaa si qotadheer loogu lafa-guray weeraradii iyo xadgudubyadii Beesha Dhulbahante oo kaashanaya Beelaha Daarood ay ka gaysatay Deegaanadda Habarjeclo si gaar ah deegaanka Buqdharkayn iyo Qorilugud.

Dhacdooyinkaasi waxay daaha ka qaadeen colaadda Dhulbartante iyo xadgudubka ka baxsan gobanimo dagaalanka lagu yaqaanay qabaa’ilka Soomaaliyeed oo wax badan lagu xeeriyo.

Waxa markhaati cad ah Xadgudubyadda foosha xun ay ka gaysteen magaaladda Buqdharkayn;

  1. Waxay dileen mu’adinkii masjidka oo ahaa oday waayeel ah.
  2. Waxay gubeen oo dumiyeen dhismayaashii magaaladda.
  3. Waxay dileen maato iyo caruur aan waxba galansan.
  4. Waxay aaseen baraagihii ay cidwaliba munaafacaadsan jirtay.
  5. Mudadaa ay duulaanka wadeen waxaan qiraynaa in Dhulbahante ay dhawr goor ku baaqeean Nabad ay la socoto Dhaar iyo Hanjabaad, waana dhaqan ku cusub baaqyada Nabadda Soomaalida iyo kan Qabaa’ilka jaarka ah ee nabaddu ay ka go’antahy tahay.

5.Shirwaynaha Talo-Wadaag ee Beelaha Habarjeclo waxay go’aan ku gaadheen difaaca deegamadooda, waxaanay cadaynayaan in aanay duulaan ku ahayn deegaamada Dhulbahante iyo deegaamada kale ee ay oodwadaagta yihiin toona, cidna aanay uga dulqaadanmeyso in deegaanadeeda Habarjeclo lagu soo duulo, diyaarna ay u yihiin Nabad ku wada-noolaansho iyo daris-wanaag

  1. Shirwaynaha Talo-Wadaag ee Beelaha Habarjeclo wuxuu ugu baaqayaa bulshada Reer Somaliland adkaynta, Xasiloonidda iyo wadajirtka qaranka.
  2. Shirwaynaha Talo-Wadaag ee Beelaha Habarjeclo wuxuu ogaysiinayaa beelaha Somaliland in aanu u diri doono wufuud.
  3. Shirka Talo-Wadaag wuxuu ugu baaqayaa Golayaasha iyo Hay’adaha uu khuseeyo in la dhamaystiro Xeerarka doorashooyinka ee qabyada ah si loo soo afjaro khilaafka siyaasiga ah ee horay looga heshiiyey.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here