Berbera (HP): Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha Waddada Berbera Coridor oo uu dhismaheedu socdo.
Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay maareeyaha Wakaalada horumarinta Wadooyinka Eng. Mawliid Nuux Ibraahim Taani, iyo gudoomiyaha guddida Berbera Corridor.
Waxaanay masuuliyiintaasi soo indho-indheeyeen sida ay u socota dhismaha Waddadaasi Berbera Corridor.
C/risaaq Ibraahim Maxamed (Ataash), wasiirka Gaadiidka Jidadka ayaa shirkada dhisaysa Waddada ku amaanay sida ay u wadaan shaqada.
Waxaau sheegay in shacabka Somaliland ay soo eegayaan, isla markaana ay sugayaan inay si dhakhso ah u dhamaato,maadaama ay isku xidhayso barriga iyo galbeedka dalka, sidoo kalena ay ku taalo Dekeda Berbera.
DAAWO: Hadaladii Wasiirka iyo Masuuliyiinta Kale:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.