Wasiirka Duulistu Markuu Albaabka Gurigiisa Garaacayo Oo Kaliya Ayuu Runsheegaa Waase La Isaga Dambeyn Beenta Dadka Loo Sheegayo.

0
880

Anigoo ah Sadaam Nuux Xirsi waxaan halkan kaga hadlayaa Taariikhdu waa Mudan waa Tiro Markhaati Leh oo aan sinaba ku Hadheyn haduu duugoobo Qofku iyo haduu joogo ifka labadaba waxeynu wada ognahay in Wasiirka Duulista Xiligani Maxamuud Xaashi yahay ninka aanay wali ka hadhin Taariikhdii uu ku muteystey Ciilqabka ee xiligii Xukuumadii Marxuum

Cigaal taas oo uu ku tirin jirey Kuraasida dadkii Aqoonta kartida iyo Waayo aragnimadooda iyo Khibradooda uu ku geyn jirey uguna magacaabi jirey illaahey naxariistii jano hasiiyee Marxuum Cigaal, waxeynu maanta wada ognahey in uu kamid yahey Wasiirka duulistu raga fursada

ugu wanaagsan ka helay Xukuumada Siilaanyo ee jeebabka ka buuxsadey hantida dhiiga shacabka laga urursado iyo deeqihii dalka kuweyt ku caawiyeen Somaliland ee tobanka Milyan ee dollar ka badneyd taas oo maanta Madaarka Hargeysa ay ka muuqato guryo la ranjiyeeyay iyo Runweyga oo la cameeyay qof kastaana garan karo saqiir iyo kabiir in aanay toban milyan ku bixin haseyeeshee, lagu dhisey milyan dollar lacag aan ka badneyn.

Waxa kale oo aynu ognahay halka Maxamuud Xaashi ka taagan yahay, maanta Siyaasada Gobolka uu kasoo jeedo ee Sanaag waxa marag ma doon ah in aanu tagi kareyn Ceel-Afweyn iska daa meel kale oo xataa aanu si kalsooni leh uga hadli karin fagaare Magaalada Ceerigaabo iyo Magaalooyinka kale ee Gobolka xaqiiq ahaana, waa ninkaa maalin walba beenta u sheegaya aqoonyahanka, waxagaradka, odoyaasha duqeyda, Madaxdhaqameedka,dhalinyarada,iyo biri mageydada Gobolkaasi kazoo jeeda waa ninkaa xiqdiga iyo buqdiga la dhex taagan Xukuumadaa uu fursada ka helay,ee ka riixaya intii wax aqoonta aheyd ee kasoo jeeday

Ceel-Afweyn Gar Adag iyo meelo kale oo badan,markaan dhinac walba ka eegay waxaan waayay anigoo ah Sadaam Nuux Xirsi waxaan ogaadey in uu yahay Wasiirka ugu beenta badan Golaha Wasiirada waxaanan is idhi marka uu albaabka aqalkiisa garaacayo oo kaliya ayuu Run sheegaa waxyse balo ka joogtaa waxa aanu ogeyn in la iskaga dambeyn doono been la sheego ayaamihii qaar badan ayaa dambeeya,e ee faraqa haweenku halkuu ku gaadhsiiyo aynu eegno.

 

 

Sadaam Nuux Xirsi

Hargeysa Somaliland

sadamnuh@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here