Faallo: Maamuuska Dalka Loogu Sameeyo Qurbajoogga Waxan U Arkaa Tahriiba Oo Yaaca Oo Dalkiina Soo Dhisa. Faallo Wariye Khadar C/Risaaq

0
1301

Waxaa Sannad Kasta Dalka Lagu Qabtaa Xaflado Waaweyn Oo Lagu Maamusayo, Lagu Dhiirigelinayo Laguna Soo Dhoweynayo Dad U Badan Tahriibayaal Waddankooda Ka Tahriibay, Oo Dalka Ku Soo Noqday Markay Soo Qaateen Baasaboorka Waddamada Ay U Tahriibeen, Waxayna Dadkaasi 90% Ka Yimaadeen Yurub Iyo Maraykan, Xukumaddan Ka Hor Lama Aqoon Maamuuska Iyo Dhiirigelinta Intaas Leeg Ee Tahriibayaasha Lagu Dhiirigelinayo, Haddaba Waxa La Yaab Noqotay Iyadoo Dadka Qaar Fagaare Kasta Ka Sheegaan Inay Cidhib Tirayaan Tahriibka Oo Dalka Ku Negaynayaan Dalkooda In Boqol Lab Uu Kor U Kacay Tahriibkii Muddadii Ay Xukuumaddani Jirtay Waxana Taas  Sabab U Ah Boqolaalka Kun Ee Lagu Kharash Gareeyo Tahriibayaashu Markay Dalka Ku Soo Laabtaan, Qof Kasta Oo Tahriiba Marku Dhowr Sanno Joogo Qurbaha Wuxu Niyeysanayaa Inu Dalkii Ku Soo Noqdo Oo La Maamuuso, Meelo Aanu Gaadhi Jirina Uu Gaadho, Sida In Madaxweynaha Loo Geeyo, In Madaxtooyada Laga Dhigo Xarun Qurbajoog Oo Dadka Qurbaha Ka Yimaada La Siiyo Kaadhadh Ay Xilligay Doonaan Ku Soo Geli Karaan Qasriga, Waxa Dhacdooyinka Ugu Yaabka Badan Ahayd In Carruur Aad U Yaryar Oo Yurub Ka Yimi Xatta Kursiga Madaxweynaha Sawirro Ku Soo Galeen.

Xukumadda Uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo Waa Xukuumaddii Ugu Horeysya Ee Dadka Ku Dhiirigelisay Inay Tahriibaan, Waxana Markhaati Cad U Ah, 85% Masuliyiinta Iyo Dadka Xilalka Loo Dhiibay Waa Qurbajoog, Baasaabooro Yurub Iyo Maraykan Ah Sita, Imisa Wasiir, Imisa Agaasime, Imisa Maareeye, Imisa Guddomiye Iyo Imisa Sarkaal Ayaa Iyagoo Maraykan Iyo Yurub Dhex Mushaaxaya Ku War Helay Uun Xil Loo Magacaabay Oo Halkaa Diyaarad Ka Soo Fuulay, Dhammaantood Shaqo Ku Filan Way Haysteen Iyo Dhaqaale Ku Filan, Marka Loo Yeedhayey Shakhsi Maraykan Ama Yurub Jooga Oo Dhul Wacan Oo Uu Ka Shaqaysanayo Jooga, Waalidkii Iyo Dhalinyaradii Dalka Joogayna Ay Isla Caddiban Yihiin Oo Ay Bilaa Camal Meel Walba Ku Noqdeen Xattaa Raggii Waligood Dawladaha La Soo Shaqaynayey Ee Khibradooduba Ahayd Shaqo Dawladeed Ay Saaka Ba Fadhiyaan Gidaarada Maxa Loogu Talo Galay, 5tii Sannadood Ee Dawladda Siilaanyo Dalka Ka Talinaysay Xatta Waxa Tahriibay Shaqaalihii Dawladda, Waalidka Laftiisii, Iyo Dad Aan Weligood La Is Lahayn Way Tahriibi Oo Dalkay Ka Yaaci, Waxana U Fasaxday Oo Ay Kula Doodi Karayeen Arrimo Gar Ah Xukuumadda Madaxweyne Siilanyo, Dadka Layaabka Leh Ee Tahriibay Waxa Ka Mid Ah Weriyihii Gaarka Ahaa Ee Madaxweynaha, Waxa Ka Mid Xoghayayaal Gaar Ah Oo Wasiiradda Xukumadda Qaarkood Lahaayeen, Waxa Kamida Shaqaalihii Madaxtooyada, Waxa Ka Mid Badhasaabo Gobol Sida Badhasabkuxigenki Hore Togdheer Iyo Qaar Kale, Dadkaas Oo Dhami Waxay U Tahriibeen Keliya Dhowr Sano Kadib Markaad Soo Noqotaan Waxad Dalka Ka Noqonaysa Madax, Waayo Dawladdan Ayaa Sunne Uga Dhigtay Qurbajoogu Inay Dalka Qabsadaan Oo Shuruudaha Qofka Masuulka Ah Lagu Xulanayo Ayay Malaa Ku Soo Dartay Wa Inu Sitaa Passportkii Yurub Ama Maraykan.

Gebogabadii Waxan Talo Ahaan Soo Jeedin Lahaa In Xukumaddu Ka Deyso Dhiirigelinta Qurbajooga Dadka Dalka Jooga Ee Aaminsan Ee Ku Qanacsan, Oo Aanay Hiyi Kicin, Waayo Qof Kasta Wuxu Ku Hiyi Kacyaaa Boqolaalka Kun Ee Lagu Kharash Garaynayo Casho Loo Sameeyo Dad Dalkooda Soo Booqday Oo Dhowaan Tahriibay, Waan Ogolnahay In Dadka Debdedaha Inagaga Maqan La Maamuuso Oo La Sharfo Lakin Waxay Ku Qurux Badan Tahay Inaan Dalka Gudihiisa Lagu Maamuusin Ee Waddamada Ay Joogaan Marka Ay Madaxdu Tagto Halkaas Lagu Ammaano, Lagu Maamuuso Lagu Sharfo Laguna Dhiirigeliyo, Lakin Intay Dalka Joogaan Laga Ilaaliyo Maadaama Ay Qalbi Dad Kale Dhaawacayso Maamuuskoodu Oo Ay Dad Badani Inagaga Dhimanayaan Badaha Intay Is Leeyihin Halku Hebel Gaadhay Adna Gaadh, Waxan So Dhowaynayaa Oo An Jecelhay Inay Xukuumaddu Sannad Walba Dhowr Jeero Maamuus Noocan Ah U Samayso Dhalinyarada Dalkooda Aaminsan Ee Dal Joogga Ah Ee Aqoonta Leh Ee Aqoontooda Uga Faaidaynaya Dalkooda.

Waxan Leeyahay Jawaab Cad Oo Lagu Qanco Weli Umaydaan Helin Maamuuska Tahriibayaashi Shalay Oo Dadka Umaydun Soo Bandhigin Waxa Kellifaya Inaad Sidaa U Maamuustaan Tahriibayaashi Shalay, Waxana Rumaynaysaan Halkudhigii Wakhtiyadan Danbe Dhalinyaradu Qaadatay Ee Ahayd “TAHRIIBAHA MAANTA WAA QURBAJOOGGA BERRI” Sidaas Darted Kadaaya Ha U Rumaynina Dhalinyarada Hadalkoodaas E Haddii Kale Dhowaan Waxa Xilka Ka Degi Doontaan Iyadoo Dalkii Aad Baabiisen Oo Miidii Iyo Madaxdii Dalkuba Qurbaha Galeen Oo Dalka Ay Cidi U Hadhi Waydo.

Waxan Hadalka Ku Soo Gunaanadayaa Maamuuska Dalka Loogu Sameeyo Qurbajoogga Waxan U Arkaa Tahriiba Oo Yaaca Oo Dalkiina Soo Dhisa, Jawaabta Dhalinyaraduna Waxay Noqonaysaa Waayahay Ee Bal Na Eeg!!!!!!!!!!!!!

 

 Wariye Khadar  C/risaaq Saleebaan(HANAD)

Burco/Somaliland

 Wariyekhadar@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here