Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Cayintay Wakhtiga La Qabanayo Koobka Gobolada

0
794

Hargeysa, (HargeisaPress) — Masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha somaliland, ayaa shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabi doono ciyaaraha gobolada Somaliland, waxaanay sheegeen in horraanta bisha September la bilaabi doono ciyaaraha.

Wasiirka ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin iyo madaxda kale ee wasaaradda oo saxaafadda kula hadlay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, ayaa sheegay in dhammaan goboladda dalku sanadkan ka qayb galayaan ciyaaraha gobolada, sidaas darteedna qaybta hore is reeb-reeb lagu qaban doono gobolada Awdal iyo Togdheer, kadibna sideeda kooxood ee soo hadhaa ku ciyaari doonaan Hargeysa.

 

“Waxaanu go’aaminay in ciyaaraha gobolada ee ka dhacaya gobolada Togdheer iyo Awdal ay bilaamaan 10-September-2015, waxaanay dhammaan doonaan 22-September-2015. Waxa ay sideeda gobol ee ka soo baxa is reeb-reebka Togdheer iyo Awdal eek u ciyaari doona Hargeysa ay bilaami doonaan 01-October-2015, waxaanay dhammaan doonaan 25-October-2015.” Ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray kooxaha ciyaaraya iyo bulshada gobolada marti galinaysa “Kooxaha waxaan leeyahay waxaa la idinka rabaa in ciyaartani noqoto tii ugu heerka sarraysay, si dadka wax idiin qabtayna magac  iyo sharaf u yeeshaan oo wixii ay galiyeen ciyaaruhu u muuqato. Haddii aad nabad galyo abuurtaanse cidna waxba idin tari mayso, markaa waxaan leeyahay nabadda ha la ilaaliyo, labada gobolna ha soo dhaweeyaan dhalinyarada”.

Sanadkan ayaa noqonaya markii u horaysay ee garoonka Hargeysa Stadium oo hab casri ah wax looga qabtay lagu ciyaro islamarkaana haatan farta laga qaaday roog la dhigay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here