Hargeysa (Hargeisa Press)- Bangiga Amal Bank oo ka mid ah Bangiyadda ka jira Somaliland, ayaa wazaa uu si weyn uga qayb qaatay Shirweynaha horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo Dhexe oo ka qabsoomay Caasimadda Hargeysa.
Amal Bank, ayaa Shirweynaha horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo Dhexe waxaa uu ku soo bandhigay adeegyada uu kaga qayb qaadanayo Shirkani iyo maalgelino uu u sameeyey Ganacsato Yaryar.
Hadaba, Madaxa suuq geynta ee Bangiga Amal Bank, Khaalid Jiilaani, ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah u ka bixiyay qaabka ay Bangi ahaan uga qayb qaateen Shirweynaha horumarinta Ganacsatada Yaryar iyo Dhexe iyo waxyaabaha ay ku soo kordhiyeen.