Wasiirka Deegaanka Somaliland oo Soo Xidhay Shirweynaha Isbedelka Cimilada

0
698

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirweynaha heer qaran ee isbedelka cimiladda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargeysa, ayaa maanta la soo gebagabeeyay.

Shirweynahaasi oo noqonaya kii labaad ee noociisa ah oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda waxaa shalay furay madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici).

Waxaana xidhitaanka shirkaasi laga soo saaray qodobo la doonayo in ay xal u noqdaan sidii loo bad-baadin lahaa deegaankeena, isla markaana loo joojin lahaa dhibaatadda soo gaadhay deegaanka.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shirkaasi shalay soo xidhay ayaa sheegtay in ay ka wasaarad ahaan, iyo xukuumad ahaanba dedaalayaan, balse ay bulshadda iyo gamacsatadda uga baahan yihiin in ay la shaqeeyaan.

Shugri Baandare, ayaa tilmaantay in meelaha aynu ugu liidano marka laga hadlayo waxyeeladda deegaankeena soo gaadhay ay ka mid tahay Xaalufka, kaasoo qayb weyn ka ah dhibaatadda isbedelka cimiladda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxa keliya ee aan idin kula dar-daarmayaa waa in bulshadu na la shaqayso. Anagu ka wasaarad ahaan waanu dedaalaynaa, oo Habeen, iyo Malain ba waanu shaqaynaynaa.

Waxqabadku wuxuu ku xidhan yahay saddex Dhar-dhaar, waa xukuumadda, mid na waa shacabkii, mid na waa ganacsatadeenii. Hadaynu saddexdeenu is kaashano, wax weyn baynu soo saaraynaa.

Labadda dhinac ee aynu inagu maanta ka liidanaa, waa dhinaca Xaalufka, dhinac na inagii ayaa doonayna oo isticmaalayna, labadaasi na isma qabanayaan.

Saddexdeenaa Dhar-dhaar ayaa la inooga baahan yahay in aynu iska kaashano sidii aynu u bad-baadin lahayn jiilasheena soo socda”.

Wasiir Shukri Baanadare, waxa kaloo ay sheegtay in dhibaatooyinka dhulkeena haysta ay ka mid yihiin degsiimooyinka cusub ee magaalaynta ah, taasoo sababtay Xaalufka dhulka ku dhacay.

Waxyeelooyinkaasi oo haddii aan wax laga qaban keeni doona in jiilasheena danbe ay nolosheenu halis gasho, si dhibkaasi wax looga qabta na la inooga baahan yahay in aynu khayraadkeenna ilaashano.

“Waxaa la inooga baahan yahay in aynu khayraadkeenna ilaashano. Dadku na fahmaan, dhulka Tuullooyinka laga samaynayo in ay Xaalufka keenayaan.

Xoolaheenu na ma doonayno in ay inaga dabar go’aan, oo waa waxa keliya ee ay nolosheenu ku tiirsan tahay” ayay tidhi Shukri Baandare.

Geesta kale, tamarta laga isticmaalo Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay tahay 150 KW, taasoo noqonaysa in 84% ka mid ay ka timaado Dabka laga dhaliyo Korontadda, halka 16% ka kale laga dhaliyo tamarta Qoraxda, iyo Dabaysha.

Sidaa darteed wasiir Shukri Baandare, ayaa ganacsatadda waaweyn, iyo shirkadaha leh wershadaha korontadda waxay ugu baaqday in ay maalgeliyaan tamarta laga dhaliyo Qoraxda, iyo Dabaysha, taasoo ka qayb qaadanaysa yaraynta Dikhawga Hawadda lagu sii daayo.

“Tamarta Cad-ceedda, ee Habeen, iyo Maalin ba inoo taagan, ganacsatadda waaweyn, iyo shirkadaha Korontadda ina siiyaa, waa in ay maalgeliyaan 150 Killo Watt, ee ay Somaliland sanadkii isticmaasho, 16% ayaa ka yimaada Sollar, iyo Dabaysha.

Waa in aynu kordhino sanadka danbe, oo aynu ogaano in Deraasadaasi aynu samaynay in aynu kor u soo qaadno, oo halka aynu maanta ka isticmaalno kor uga sii qaadno.

Waayo? Haddii aynu tamarta Qoraxda, iyo Dabaysha isticmaalno, yaraynta dikhawga Hawadda lagu sii daayo wax badan baynu ka gaysan karnaa” ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale waxaa intii uu shirku socday lagu soo bandhigay daraasado laga sameeyay baaxada waxyeeladda soo gaadhay deegaankeena, iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo, si loo bad-baadiyo deegaankeena.

Waxaana taa bar-bar socotay in sidoo kale shirweynahaasi ay khubarro, iyo aqoon yahano ku xeel dheer arrimaha deegaanku ay khudbado ka jeediyeen, iyo doodo la isku waydaarsaday wax ka qabashadda dhibaatooyinka soo waajahah deegaanka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here