Guddida Tayaynta Waxbarashada Qaranka oo Yeeshay Kulankoodii 21aad

0
491

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida sare ee tayaynta Waxbarashada Qaranka Somaliland, ayaa maanta waxaa ay magaalada Hargeysa ku yeesheen kulankoodii 21aad.

kulankan oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, waxaana guddida kulanka ku weheliyey Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska hadana ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Aadan Buuxane, Wasiir Ku- Xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd soo dhowaynta Wasiirka cusub iyo sagootinta Wasiirkii hore, ayaa sidoo waxaa kale oo lagaga hadlay tayaynta waxbarashada.

Guddoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guleed, ayaa ka war bixiyay muddadii sanadka ahayd ee Guddidu jirtay waxyaabihii u qabsoomay.

Dhinaca kale, Guddida ayaa soo dhowaysay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Adan Buuxane, iyagoo sidoo kale u mahad celiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye, ayaa xubnaha Guddida Waxbarashada Qaranka uga mahad celiyey wakhtiga, tamarta iyo aqoonta ee ay la barbar taagan yihiin horumarinta waxbarashada dalka.

Ugu danbay, waxaa kulanka soo af-meeray, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland isagoo bogaadiyay Guddida Waxbarashada Qaranka hawsha culus ee ay qaranka u hayaan sida mutadawacnimada ah, waxa kale oo uu Wasiirku soo dhoweyey xubnaha guddida talooyinkooda lagu horumarinayo waxbarashada dalka.

Waxaana kulanka guddida ka soo baxay qodobadan:-

1.Cabsida Laga-qabo In Puntland Uu Ka Dhaco Dagaalkii 20-Sanno Ka Hor sababay in boqortooyada Qardho u soo Qaxdo Somaliland In dhamaan barayaasha dugsiyada dalku qaataan ruqsada macalinimo iyo ta maamul.

2.Waa in la dadejiyo lana dhamaystiro tayaynta manhajka qaranka ee labadii sano ee u dabeeyey Wasaaraddu waday.

3.In imtixaan fasalka 12aad ee dugsiyada sare ilaalintiisa lagu wareejiyo jamacadaha dalka iyadoo xafiiska imtixaanaadku yeelanayo samaynta, diyaarinta iyo sixida imtixaanka, si ay Jaamacadahu uga qayb qaataan tayaynta waxbarashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here