Dowladda Hoose Hargeysa oo Gubtay-Bariis Dhacay oo Ka Soo Gudbay Jabuuti

0
1356

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dowladda hoose ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta gubtay bariis ay ku sheegeen in uu halis ku yahay caafimaadka dadka kaas oo la qabtay bilowgii bishan November.

Bariiskan, ayaa ciidamada ilaalada kantroolka Daloodho ee waqooyiga magaalada Hargeysa ay qabteen isagoo ku rarnaa gawaadhi xamuul ah kana yimid dhanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Haya’adda Dhowrista Tayada Somaliland, ayaa waxaa ay xaqiijisay halista bariiskan.

 

Bariiskan, ayaa waxaa la sheegay in aanu gelin magaalada oo lagu guulaystay in la qabto inta la gelin suuqyada.

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, ayaa xukuntay in la gubo bariiskan iyadoo dowladda hoose ay meel fagaaraa ku gubtay. Sidoo kale waxaa waaran iyo xukunno lagu riday dadkii sida ganacsigaa u watay.

Shixnadda oo dhammayd 96 tan oo bariis, ayaa la gubay, iyadoona xeer ilaalinta iyo dowladda hoose ay fuliyeen amarkii maxkamadda.

Waxaa la sheegay in aanay jirin meel kale oo Somaliland ah oo bariiskaasi u gudbay islamarkaana uu ka koobnaa shixnadaha magaalada Hargeysa lagu qabtay ka dib baadhitaanno la sameeyay la xaqiijiyay.

Isla bishan November ayay haya’adda Dhowrista Tayada Somaliland sheegtay inay qabteen kiniin tayadiisu liidato oo halis caafimaadna sababi kara.

Guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada Somaliland, Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa sheegay in dawadaas oo ah kiniin xanuun baabi’iye la yidhaahdo Ebufac 400mg, magaceeda rasmiga ahna uu yahay Ibuprofen ay ka dabatageen shirkadda ku qoran taasoo noqotay shirkad jumlad ku bixisa dawada ee ayna ahayn tan samaysa.

Wuxuu intaa ku daray in baadhitaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in ayna lahayn dawadaasi maaddooyinkii loo baahnaa ee waxtarka lahaa.

Waa markii labaad ee isla Bishan ay dowladda Somaliland soo bandhigto dawo iyo raashin la sheegtay inuu halis ku yahay caafimaadka dadka kuwaas oo lagu guulaystay in la qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here