“Dadweynaha reer Berbera ee ku jira guryaha dawladda waa in ay bixiyaan Kirrada…”

0
115

Berbera (HP): Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka, iyo Guriyaynta JSL ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool magaaladda Berbera ee degan guryaha dawladda in ay kirrada iska bixiyaan.

Wasiirku waxa uu Carrabka ku adkeeyay in aanay dhici doonin oo aanay aqbalaynin in dadka guryaha dawladda ku jiraa ay iska bixin waayaan kirrada ay dawladu ku leedahay.

Mustafe Maxamuud Cali, wasiirka Hawlaha guud, Dhulka, iyo Guriyaynta JSL waxa uu sidan ka sheegay kadib socdaal uu maanta ku soo gaadhay magaaladda Berbera.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku marayay goboladda barriga dalka, waxaanu shir magaaladda Berbera kula qaatay isku-duweyaasha, iyo shaqaalaha wasaaradda Hawlaha Guud ee gobolka Saaxil, iyo magaaladda Berbera.

Wasiir Mustafe Godane, ayaa u jeedadda socdaalka ay maalmahanba ku marayeen goboladda barriga dalka ku tilmaamay mid lagu dar-dar gelinayo shaqadda ay wasaaradu qaranka masuulka uga tahay.

Geesta kale wasiirka ayaa fariin u diray dadweynaha reer Berbera ee degan guryaha dawladda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here