Wasiirka Dastuurka JSL Oo Hanbalyeeyay Hogaanka Cusub Ee Xisbiga Kulmiye

0
306

Burco (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa dhambaal Hambalyo ah udiray hogaanka cusub ee xisbiga kulmiye ee maanta lagu doortay Shirka 8-aad ee Golaha Dhexe ee xisbigaasi.

 

Waxaanu wasiirku tilmaamay in xisbiga Kulmiye yahay xisbi Dimuqraadi ah oo marka ay kala guulaystaana isu hambalyeeya. Taasina ay muujinayso in Xisbiga kulmiye yahay Xisbi Qaangaadh ah  oo dhexdiisa ay ka jirto nidaam dimuqraadi ah oo la isu doorto.

 

Wasiirka oo hanbalyadaasi dirayayna waxa uu yidhi “Waxaan Hambalyeynayaa masuuliyiinta maanta lagu doortay Shirka 8-aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay Musharaxa xisbiga Kulmiye iyo ku xigeenkiisa Maxamuud Xasan Sacad (Saajin),  oo loo doortay Musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Kulmiye”.

 Sidoo kale wasiirku waxa uu hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee xisbiga Kulmiye oo loo doortay  Maxamed Kaahin Axmed, iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo isna loo doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye .

Geesta kale Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland waxa uu intaas ku daray in xisbiga Kulmiye yahay xisbi Dimuqraadi ah oo marka ay kala guulaystaana isu hambalyeeya.

 

 Taasina ay muujinayso in Xisbiga kulmiye yahay Xisbi Qaangaadh ah  oo dhexdiisa ay ka jirto nidaam dimuqraadi ah oo la isu doorto.

 

Ugu danbayn wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu bogaadinaya hawl-wadeenada xisbiga Kulmiye, guddida fulinta Golaha Dhexe, sida wanaagsan ee quruxda badan u qaban-qaabiyey in shirkaasi qabsoomo iyo guud ahaanba taageerayaasha Xisbiga Kulmiye .

 

 

 

Hargeisa Presss.com/Hargeisa Office. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here