Maayarka Hargaysa Oo Iska Fogeeyay Inuu Ka Tirsan Yahay Xisbiga Kulmiye

0
468

Hargaysa (HP): Maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, ayaa iska fogeeyay inuu ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye.

Maayarka Hargaysa ayaa magaciisa laga xaadiriyay shirka 8aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo maanta lagu soo gebagabeeyay Burco.

Arrintaasi oo maalmahan ba si weyn loo hadal hayay ayuu maayar Mooge, cadeeyay in aanu ka tirsanayn xisbigaasi.

C/kariin Axmed Mooge, waxa uu xusay in isagu uu ka tirsan yahay xisbiga Waddani, isla markaana uu ka soo baxay xisbigaasi.

Balse aanay jirin meel uu kaga biiray xisbiga Kulliye, isla markaana uu aad ila yaabay markii magaciisa laga dhex yeedhiyay shirkii xisbiga Kulmiye.

Maayarka Hargaysa, oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay in aanu isagu haba yaraatee jeclayn inuu ka dhex muuqdo siyaasadda xisbiyadda.

Hase yeeshee uu mar kasta diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo horumarinta caasimadda Hargaysa, isla markaana aanay jirin wax faa’iido ama muhiimad ah oo ay u leedahay inuu xisbiga Kulmiye ku biirro.

DAAWO: Maayar Mooge oo iska fogeeyay inuu ka tirsan yahay xisbiga Kulmiye:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here