Wasiirka Deegaanka JSL Oo Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Dhibaatooyinka Lagula Kaco Duur Joogta

0
323

Hargeysa (HP): Wasiirka Deegaanka JSL, iyo guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay tababar u soo xidhay xubno kala duwan oo uu muddo uga socday xarunta jaamacadda Hargaysa.

Tababarkaasi oo ku saabsanaa denbiyadda loo gaysto duur joogta oo socday muddo sideed maalmood ah ayaa loo qabtay 18 xubnood, oo iskugu jiray Gar-soorayaal.

Ku-xigeeno Xeer-ilaaliyayaal guud, Isu-duwayaasha Wasaaradda Deegaanka ee Gobolada dalka, Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska iyo xubno ka tirsan Jaamacadda Hargeysa.

Waxaana tababarkani qabashadiisa iska kaashaday wasaaradda Deegaanka Somaliland, jaamacadda Hargaysa, iyo jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare waxaa xidhitaanka tababarka ku wehelinayay wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse.

 

 Dr. Pawl Evangelista, oo ah khabiir dhanka deraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado, iyo maamulaha haayadda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah NRCN Polyene Vincent.

 

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo xidhitaanka tababarkaasi ka hadashay ayaa tibaaxday in ay farxad weyn u tahay in dalka gudihiisa tiro intaa le’egi ku qaadato tababarradii loo tagi jiray dalalka dibadda, sida Yugaandha iyo Itoobiya.

 Wasiirka ayaa xustay in tababarkani uu u dhigmo aqoon ahaan mid heer Kooras jaamacadeed ah oo muddo lagu qaadan lahaa Jaamacadaha, balse ay nasiib wanaag tahay in dalka gudihiisa lagu qaatay.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa isna u hoga-tusaaleeyay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay in deegaanku ka sal-balaadhan yahay dhirta iyo xayawaanka, balse uu sal u yahay jiritaanka nolosha Aadamaha.

Aadan Xaaji Cali, ayaa tibaaxay in aanay nolosha iyo deegaanku kala maarmin, isla markaana ay muhiim tahay in dadkeenu sidaa ugu baraarugaan, isagoona hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin sidii ay awalba dacwadaha deegaanka iyo duur-joogta la xidhiidha ugu dedaali jireen.

Waxaanu tilmaamay guddoomiyaha maxkamadda sare in haatan na ay sii horumariyaan, isla markaana ay u diyaarinayaan qayb (Chamber) takhasus u leh oo dacwadahaasi qaadda.

Dr. Pawl Evangelista, oo ah khabiir dhanka daraasaadka ah oo ka tirsan Jaamacadda Colorado, ee dalka Maraykanka ayaa xusay in jaamacadoodu ay diyaar u tahay xoojinta iskaashiga la xidhiidha ilaalinta deegaanka ee ay la leeyihiin Somaliland.


Geesta kale maamulaha haayadda ilaalinta deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee (NRCN) polyene Vincent, ayaa hoosta ka xarriiqay in muddadii koobnayd ee tababarku socday lagu lafa-guray halka ay ka soo bilaabanto baadhida dacwadaha duur-joogta, nidaamka dacwadaha loogu oogayo iyo ilaa heerka maxkamadaynta.

Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa isna ku booriyay xubnihii tababarka ka faa’iidaystay in ay aqoonta usii gudbiyaan haayadihii ay ka kala yimaadeen, isla markaana ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah.


Dhinaca kale Xeer-ilaaliye Faysa Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa ka warbixisay duruustii muddadii 8-da cisho ahayd ay ku qaateen tababarka iyo ujeedada guud ee ay xambaarsanaayeen.

 


Ugu danbayn guddoomiyaha maxkamadda Sare  ee JSL ayaa kula dar-daarmay xubnaha tababarka ka soo qayb-galay in aanay dhayalsan aqoonta qiimaha badan ee ay tababarka ku qaateen, isla markaana ay ku dedaalaan sidii ay u sii gudbin lahaayeen.

 
DAAWO: HADALADII MASUULIYIINTA:

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here