Wasiirka Caddaaladda oo ka Qaybgalay Shir Lagu Falanqeeyey Arrimaha Khuseeya Carruurta Sharciga Khilaafta

0
853
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa furay, isla markaana goob-joog ka ahaa shir lagu falanqeeyey xaaladaha iyo arrimaha khuseeya carruurta sharciga khilaafta.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda shalay, shirkan oo ay ka qaybgaleen Wasaaradaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee shaqoodu khusayso daryeelka carruurta, waxa lagu falanqeeyey qodobbo kala duwan oo la xidhiidha ubadka yaryar ee sharciga khilaafa iyo qaababka ay tahay in loola dhaqmo.

Qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan; “Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Md. Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa maanta (shalay) furay shirka billaha ah ee daneeyayasha bahda caddaaladda carruurta Jamhuuriyadda Somaliland (Justice for Children Thematic Working Group), shirkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Caddaaladda Carruurta iyo Haweenka ee Wasaaradda Caddaaladda, ayaa lagu lafa-gurayey qodobbo dhawr ah, kuwaas oo kala ahaa;

  1. In Wasaaradda Caddaaladdu warbixin kooban ka siiso kasoo qaybgalayaasha da’ayarta sharciga kilaafta ee ku xidhan saldhigyada iyo xabsiyada dalka xaaladooda
  2. Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa iyaduna halkaas ku soo bandhigtay kiisaska carruurta ee soo galay xafiiska iyo tiradoodaba.
  3. Waxaa la iska xog-wareystay horumarka laga gaadhay ilaalinta xuquuqda carruurta sharciga khilaafta, sidoo kale caqabadaha jirana la iska waraysto sidii xal loga gaadhi lahaa.

Ugu danbayn, waxaa la isla qaatay qaabkii loo xalin lahaa caqabadaha jira iyo sidii looga wada shaqayn lahaa adeegyada kala duwan ee loo fidinayo carruurta sharciga khilaafta, isla markaasna loo midayn lahaa Forms ay xogta ku soo ururiyaan hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha khuseeya carruurta sharciga khilaafta.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Hay’addaha UNDP, UNICEF, CCBRS, SONYO, UOH LEGAL CLINIC, MOI, MOH, AG,SHRC, CSOs,HJC COMMUNITIES,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here