Shirkadda Leydhka SOM-POWER Dhibaatada iyo Hagardaamada ay Shacabka Ku Hayso iyo Adeegsiga Awooda Dawllada Oo ay u Adeegsaneyso Bulshada

0
1182
Shirkadda Korontadda ee Sompower

Hargeysa— Waxa ay had iyo jeer Shacabku  iska weydiiyaan Su’aalo fara badan Tan iyo intii ka Dambeysay in ay Shirkadihii Leydhka gabi ahaanba wada iibsato oo at albaabada u laabto Shirkad Weyn oo ka taajirtey Danyarta Somaliland si ay mid kamid ah Waxyaabaha Daruuriga ah ee Danyartu sida weyn ugu baahan yihiin gaar ahaana Leydhka ay haddana Qabsato si ay dhiiga uga tuujiyaan oo ay Cunaha ku qabtaan iyadoo inta la wada ogyahey ay hada kasoo gaadheen Shacabka dhibaatooyin dhiig miirasho ah oo aaney awoodin Bulshadu, Waxaanay Shirkada Som Power u isticmaaleysaa gees kastaba Awoodii Dawllada oo ay qeyb ka tahey oo ay Ku leedahey Wasiiro ay iyadu keensatey Tusaale ahaan Wasiirka Macdanta iyo.Tamarta oo Shirkadani ku leedahay Xukuumada oo ay olole ka gashey oo ay hawl adag iyo geedi dheer labada usoo martey si ay shicibka ugu tacadiyaan oo macaash qeyral Caqliya oo awood lagu meel marinayo uga Qaataan lkn aaney eegin danta Danyarta iyo itaalkooda midna.

Waxaa soo dhacdey oo Xaqiiq ah in Shirkada Som Power ay dafirtey oo ay Cagta jaanta u Saartey Dad Shacbi ah oo Leydhkoodu Qabsadey, oo haddana ay Awood u isticmaashey Dadkii u Dacwiyay dadkaa ku dhintey leydhkeedii oi Xabsiga u Taxaabeen gar iyo Mag La.aan.

Waxaa kale oo iyana dhacdey oo Xaqiiq ah in Shirkada Leydhka Some-Power ay Culays badan oo Awood sheegasho ah ugu tacadiday Shirkado Ku shaqo leh Leydhka oo iyagu diiday in ay la Midoobaan kuwaas oo qasab iyo Sandule loogu hanjabo habeen iyo Maalin oo lagu yidhaa khasab ugu soo biira Shirkadan, hadii kale Awooda Dawlada ayaanu idinku soo galinaynaa, oo habeen iyo Maalinba Wasiirka Macdanta iyo Tamartu Amar Cusub iyo handadaad la dul joogo, Waxaana dhacdey in Leydhka Some-Power aaney cidna u naxariisan oo Sida ay doonaan ka yeelaan Shacabka islamarkaana, ay mar kaliya badeleen Wixii ay Dadka u Sheegayeen markii ay Cusbaayeen Waana Sababta ay uga tageen Shaqadooda Rag badan oo Hawsha la bilaabay.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here