Wasiirka Biyaha oo Xadhiga Ka Jaray Ceelal Laga Hirgeliyay Togdheer

0
512

Burco (HP): Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland, ayaa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo kala duwan oo laga hirgeliyay gobolka Togdheer.

Mashaariicdan uu wasiirku xadhiga ka jaray oo ahaa sagaal mashruuc ayaa kala ahaa shan ceel biyood oo cusub oo ay wasaaradxa Biyuhu hirgelisay, kuwaasoo laba ka mid ah laga hirgeliyay gudaha magaaladda Burco.

Sidoo kale waxaa mashaariicdaasi ka mid ahaa saddex ceel biyood oo iyag na laga hirgeliyay isla gobolka Togdheer.

Waxa kaloo ceelashaasi qayb ka ahaa kuwo qaab casri ah la isugu xidhay, kuwaasoo ku shaqaynaya habka Solarta.
Xadhig ka jarka mashaariicdaasi waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka Togdheer, ka degmadda Burco, iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Mareexaan, oo ka warbixiyay mashaariicdan uu xadhiga ka jaraya ayaa sheegay in tirada guud ee ceelashu ay tahay sagaal ceel biyood.

Kuwaasoo shan ka mid ah ay yihiin kuwo cusub, halka kuwa kale na ay yihiin qaar la isku xidhay oo ku shaqaynaya hanaanka Tamarta Qoraxda ee Solarta.

Taasoo uu wasiirku sheegay in lagaga maar mayo shiidaalkii faraha badnaa ee ku bixi jiray mishiinadda ay ceelashaasi ku shaqayn jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here