Wasiirka Beeraha Oo War-bixin siiyay Guddiga Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtidda

0
529

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay duddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha Guurtidda somaliland.

Xubnaha guddiga dhaqaalaha ee golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo wasiirka Beeraha xafiiskiisa ku soo booqday, ayaa ka waraystay dhibaatada uu Ayaxu ku hayo wax soo-saarka Beeraha dalka.

Wasiir Axmed Muumin Seed, ayaa xildhibaanadda guddiga ahaa war-bixin faahfaahsan ka siiyay dedaalka wasaaradda Beeruhu ugu jirto ka hor-tagga Ayaxa, oo si joogta ah Weerar ugu haya Beeralayda dalka.

Wasiirku waxa uu guddiga u sheegay in wasaaraddu ay muddo dheer ka shaqaynaysay la dagaalanka Ayaxa, imika na ay sii waddo hawl galadda lagu dagaalamayo Ayaxa.

Iyadoo addeegsanaysa Gaadiid tiro badan, Diyaaradaha Qumaatiga u kaca iyo hawl-wadeeno u tababbaran buufinta Ayaxa, oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda horuarinta Beeraha.

Geesta kale, Axmed Muumin Seed, ayaa xubnahaasi Guddiga ahaa si hufan ugaga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen oo la xidhiidhay masuuliyadda uu qaranka u hayo, gaar ahaana dhinaca horumarinta Beeraha.

Ugu dambayntii, wasiirka beeraha waxa kulanka uu la yeeshay guddiga ka socotay Guurtida waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda bed-baadada Beeraha iyo Xubin ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha Somaliland.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here