Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Ciidamo U Diray Gobolka Tigray (SAWIRRO)

0
1440

Jigjiga (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa maanta magaalada Dhagaxle ee deegaankaasi waxa uu ku sagootiyay ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gaarka ah ee Liyuu Booliska.

Waxaa sidoo kale munaasibada sagootinta ciidamadan goobjoog ka ahaa Madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga Barwaaqo, Maxammed Shaalle, cuqaal iyo odayaal dhaqameedka Deegaanka Soomaalida.

Ciidamada, ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaas oo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa u muuqda inuu ka jawaabayay baaq uu dhawaan deegaannadaa u diray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa inay ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.

Geesta kale, Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cali Badal Muxumed, ayaa isna shalay waxaa uu sheegay in ciidamada deegaanka ay xilli walba ay diyaar u yihiin inay difaacan wax kasta oo lid ku ah qaranimada Itoobiya.

Waxaa kaloo uu sheegay Wasiirku in maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida uu mar walba diyaar u yahay la dagaalanka jabhadda TPLF ayna naf iyo maalba u hurayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here