Wasiirka Beeraha Oo Kashifay In Aamina-weris Si Qarsoodi Ah Ula Shaqaynayso Muuse Biixi Oo Aanay Dhex U Ahayn Murashaxiinta Shirka Kulmiye Ku Tartamaya

0
924

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka beeraha Somaliland Md Maxamed Aw Daahir ayaa kashifay heshiis iyo wada shaqayn  qarsoodi ah oo  ka dhexeeya  Marwada  Madaxweynaha  Somaliland Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed iyo garabka Xisbiga Kulmiye ee taageersan Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ah siyaasiyiinta u taagan tartanka murashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu dooran doono kalfadhiga Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee la qaban doono 10-ka bisha November ee 2015-ka.

Wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay kulan uu shalay magaalada Hargeysa kula yeeshay xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye  oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley, kuwaas oo uu ku xod xodanayey inay      ku soo biiraan     garabkooda oo uu sheegay inay taageero  ka haystaan  xukuumadda iyo qoyska Madaxweynahaba  gaar ahaan  marwada Madaxweynaha  Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde,  sidaas aawadeedna aanay suurto gal ahayn in murashaxooda laga guulaysto.

 

Wasiir Maxamed Aw Daahir  waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Madaxweynaha iyo Qoyskiisu dhex dhexaad u yihiin murashaxiinta ku tartamaya shirka Golaha dhexe ee xisbul xaakimka Kulmiye, waxaanu  ku dooday  in     hadalka ku saabsan    in Xisbiga Kulmiye si cadaalad ah loogu tartamayo iyo in  Madaxweynaha iyo  Marwadiisu dhex  u yihiin raga ku tartamaya  Xisbiga Kulmiye  uu yahay hadal siyaasadeed oo aanay waxba ka jirin, balse  xaqiiqadu tahay in Marwada Madaxweynuhu dhinacooda la socoto oo ay Muuse Biixi dhisayso. Isaga oo arintaas xaqiijinayana Wasiir Maxamed Aw Daahir waxa  hadalkiisii ka mid ahaa uu yidhi  “Haddii aad arrintaas  cadaynteeda I weydiiseen waxaan idiin sheegayaa oo aan been ahayn  maalintii  dhoweyd ee Madaxweynaha iyo weftigii la socdey u ambabaxayeen Ireland iyo Ingiriiska habeenkii ka horeeyey waxaa Madaxweynaha la balansanaa niman reer Nuux Ismaaciil ah oo uu soo abaabulay ninkan Wasiirka Khaarajiga ah ee dhowaan  magaca cusub loo bixiyey….. Maxuu ahaa magacii ? Habeenkaas laftiisa ayaaba magaca loo bixiyaye.. Haa Jug soo dhacay buu ahaaye, ayaa waxa maalintaas ay caawa oo kale nimankaasi Madaxweynaha la kulmayeen  ayaa gelinkii dambe iyada oo aanu aniga iyo Shucayb Wasiirka Wershadahu  joogno Geed Balaadh   oo aanu Riiggii la qodayey arrintiisa u tagnay ila soo hadashay Aamina-weris Marwada Madaxweynaha, waxaanay igu tidhi caawa waxaa Madaxweynaha la balansan odayaal Sacad Muuse ah oo uu Maxamed Biixi wato, arrinta ay ka hadlayaana waa arrintii shirka Kulmiye iyo murashaxnimada Maxamed Biixi oo  ay leeyihiin Muuse ma taageeri kartid, markaa Wasiirradiinii Sacad Muuse ee Muuse Biixi taageersanaa waa inaad kulankaas goob  ka noqotaan, oo odayada Madaxweynaha loo keenayona ogaataan oo qaar idinka idin taageersan ku soo darsataan. Markaa u sheeg arrintaas Wasiirrada kale ee Shucayb iyo Muuse Qaasimba,  Samsam-na anigaa u sheegi doona, dabadeedna aniga iyo Shucayb-ba halkii baanu ka soo cararnay.

 

Waxa kale oo ay la hadashay Muuse Biixi iyo qolyihii kale ee halkan joogay oo ay ku tidhi fadhiga ka kaca oo idinkuna isa soo abaabula oo markay nimankaasi Madaxweynaha u yimaadaan idinkuna u kaalaya oo idinba Sacad Muuse ayaad tihiine u sheega Madaxweynaha inaydaan la qabin waxa nimankaasi wataan. Wixii halkaas ka dhacayna waatii aad maqasheen ee aniga iyo Shucayb aanu kaxaynay qoladii dhinacayaga, ee weliba aanu annagu Madaxweynaha ka hor aragnay qoladii kale ee balantoodu naga horeysay, taasi miyaanay cadayn idiinku filayn in Marwadu annaga nala socoto oo wax dhex dhexaad la yidhaahdaa aanu jirin.”

 

Wasiirka Beeruhu isagoo arrintaasi u sii jilcinayay Xildhibaanadda waxa uu yidhi “Haddii aad u baahan tihiina boqolaal cadaymood oo kale ayaanu idiin haynaa waa haddii aad intaas ku qanci weydaan.  Markaa adeer  been idiinma sheegayno’e na rumaysta oo waxaanu diidanahay inaad cidla ku dhacdaane na raaca oo hadaad cid taageeraysaan ninka wax haysta ee dawladu wadato taageera intaad mid Garanwaa ah oo cirka ka soo dhacay iyo Mid aan waxba haysan oo Jug-soo dhacay ahi idin kaxaysan lahaa. Hadaad u baahantihiina Marwada waanu idiin geyn oo indhihiina ayaad ku soo arki doontaan inay dhex tahay iyo in kale, Madaxweynuhuna waa la mid oo way is ogyihiin isaga iyo Marwadu ileyn naagina waxaanu ninkeedu ogolayn ma samayso’e.”

 

Wasiirku waxa kale oo uu xusay in qoddobka labaad ee daliilka u ah in Marwadu la socota garabkoodu yahay arrintii maalintii dhoweyd dhacday ee Ciidamada RRU-du murashaxiinta Muuse Biixi la tartamaya kaga horjoogsadeen shirkii ay ku qabsan lahaayeen Hotel Maansoor, kaasoo uu sheegay inay Marwadu ku soo amartay taliyaha Booliska iyo Wasiirka daakhiliga inaanu shirkaasi qabsoomin oo laga horjoogsado inay Huteeladda  wax shirar ah ku qabsadaan.

wasiirka Beerahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu  intaas raaciyey in  dhammaanba amar la siin doono Wasiirrada iyo raga kale ee xukuumadda u shaqeeya ee Muuse Biixi ka soo horjeeda, midkastana lagu odhan doono raaca Muuse Biixi, kii hadal ka keenana xilka laga qaadi doono, waxaanu intaas ku daray in haatanba qaar Wasiirradaas ka mid ah uu Telefoonka kula soo hadlay wiilka uu Madaxweynuhu sodoga u yahay ee lagu magacaabo Baashe, isla mar ahaantaana uu amar ku siiyey inay ka hadhaan qolyaha kale ee ay la socdaan, kuna biiraan garabka Muuse Biixi.

 

Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw Daahir ayaa hadii rumoobo noqonaya mid fadeexad iyo ceeb weyn ku ah  Madaxweyne Siilaanyo  oo isagu si toos ah ummada ugu cadeeyey inuu Xisbiga Kulmiye yahay xisbi dimuquraadi ah, shirka golahiisa dhexena loogu tartami doono si cadaalad ah oo loo siman yahay, isaguna uu dhex u yahay Murashaxiinta  ku  tartamaya golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here