Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Saaxil Oo Ka Warbixiyay Xadhiga 6 Qof Oo Loo Haysto Tuhunno Amni Darro

0
689

Berbera, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha maxakamadda gobolka Saaxil, ayaa sheegay in ilaa 6 qof oo u xidhan tuhun ku saabsan inay falal nabadgalyo darro abaabulayeen xabsiga ugu jiraan 10 cisho oo rumaan ah, balse aanay jirin guddi nabadgalyo oo raggaasi xukuntay.

 

Warar hore uga soo baxay xadhiga xubnahaasi ayaa sheegayay in guddi nabadgalyo oo xukumaddu gobolka Saaxil ka samaysay 6-daa qof ku xuntay muddo dheer iyadoon la marin maxakamadda, balse guddoomiyaha maxakamadda Saaxil, ayaa sheegaya in marka mudddada rumaanku u dhammaato haddii caddaymo la keeni waayo maxakamadda loo celin doono xorriyaddooda.

 

Gobolka Saaxil waxaa laga dareemay in bulshadu diidan tahay wareejinta Haamaha kaydka shidaalka Berbera oo xukumaddu shirkaddo gaar loo leeyahay ku wareejisay. Waxaa ka dhacay rabshado googoos ah oo qaarkood ahaayeen dablay jidadka gashay iyo mudaharaad magaalada gudaheeda ka dhacay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here