Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda A. Gudaha oo Xilka La Wareegay

0
865

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xilalka u kala wareejiyay agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradaasi iyo agaasimihii hore.

Munaasibadii xil wareejinta oo ka qabsoontay Hoolka Shirarka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa kaloo ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, agaasime waaxeedyadda wasaaradaasi, iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa xafladaasi goob joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiir Ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Naasir Caydiid Maxamed.

Agaasimaha Amniga ee Wasaaradda Arimaha Ibraahim Cali Ismaaciil, Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Maroodi Khadar Baaruud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Shaqaale Waynaha wasaaradaasi.

Waxaana ugu horayn si diiran loogu soo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Iyadoo ay shaqada Wasaaradda ay ka war bixisay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Aamina Xaaji, oo faah faahin ka bixisay shaqada Wasaaraddu qaranka u hayso, tirada Waaxyaha iyo shaqaalaha guudba.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo madasha ka hadlay ayaa qalbi furan ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, isagoo Wasiirku balan qaaday in ay si fiican u wada shaqaynayaan, shaqadana iyo masuuliyiintana maalin ba qof joogo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, Maxamed yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan ahay Wasaaradda Cusub ee loo soo magcaabay.
Isagoo u mahad naqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Masuuliyada uu u igmaday Madaxweynaha Somaliland.

Waxaanu intaa ku daray in ay si fiican u wada shaqayn doonaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaraddaba.

Geesta kale, wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, oo ay soo wada shaqeeyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yusuf Ismaaciil, ayaa si wayn ugu ammaanay Agaasimaha shaqo wanaag, karti iyo hogaamin.

Wasiirka ayaa intaa u daray in Agaasime Maxamed Yuusuf, ka mid yahay hoggaamiyaasha da’da yar ee Qarankan Jamhuuriyadda Somaliland u soo socda mustaqbalka dhow.
Saleebaan Cali Koore, ayaa intaa ku daray in Agaasime Maxamed Yuusuf uu ka soo bixi doono shaqada cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha.

DAAWO: Khudbadii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xil wareejinta agaasimaha guud ee cusub:

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

 

 

 

 

DAAWO: Hadalkii Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here