Dhaam Biyoodyo Laga Hirgeliyay Gobolka Gabiley oo Xadhiga Laga Jaray

0
552

Allay-badday (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Buuxane, iyo badhasaabka Gabiley, ayaa xadhiga ka jaray Dhaam Biyoodyo laga hirgeliyay degmadda Allay-badday.

Weftigaasi oo uu hogaaminayay wasiir ka wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Axmed Buuxane, ayaa xadhiga ka jaray Dhaam biyoodyadaasi laga fuliyay degmadda Allay-baday ee gobolka Gabiley.

Waxa kaloo weftigaasi ka mid ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda Biyaha, gudoomiyaha haayadda NEDFORD Faysal Cali Sheekh, Agaasimshaaya Guud ee wasaradaha Qorshaynta qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha, iyo sidoo kale masuuliyiin ka socday haayadda FAO, iyo saraakiil ka socday ururka midawga Yurub, iyo sidoo kale mamuladda degmooyinka Gabiley, iyo Allay-baday.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay xadhig ka jarista Dhaamamkaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hirgelinta Dhaam biyoodyadaasi.

Waxaanu yidhi “Waxaa farxad noo ah maanta, in anagoo kaashanayna wafti balaadhan ee uu hogaaminayay wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Ahmed Buuxane, si aanu xadhiga uag jarno Dhaam Biyood laga hirgeliyey degaanka Diin-goobaale ee degmada Allay-baday, ee gobolka Gabiley. Talaabadani waa siyaasadda madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, ee ah in biyaha ha laga Haqab-tiro qaranka”.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DAAWO:Khudbadii badhasabka Gabiley ee Xadhig Ka Jarista Dhaam biyoodka Diinni-goobaale:

 

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here