Wasiir Toorno Oo Dhagax Dhigay Dugsiyo Cusub

0
768

Salaxley (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa maanta wada jir u dhagax dhigay fasallo cusub oo lagu kordhin doono dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Kaam tuug oo ka tirsan degmada Salaxley.


Kadib kormeer ay maanta ku tegeen deegaamo ka tirsan degmadda Salaxley wasiirka waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye, iyo wefti uu hogaaminayo.


Waxaanay wasiirka iyo xubnaha la socday kormeer xog-ogaal u noqosho ah ku soo mareen dugsiyada hoose dhexe ee deegaamadda Toon, Dhibil-riyaale iyo kaam-tuug, oo dhamaantoodba ka tirsan Salaxley.


Kormeerkaasi ayay wasiirka iyo weftigiisu ugu kuurgaleen halka ay marayso dib u dhiska dugsiyadii ay dhibaatada soo gaadhsiiyeen roobabkii dhawaan ka da’ay deegaanadaasi.


Wasiir Toorno, ayaa tilmaamay kadib markii ay caqiijiyeen baahidda ay deegaamadaasi u qabaan in ay go’aansadeen sidii faasallo cusub loogu kordhin lahaa.
Maadaama oo arday aad u tiro badan ay dugsiyadaa dhigtaan, isla markaana aanay ku filnayn dhismeyaasha ay hadsa ardaydu wax ku bartaan.

Halkan Hoose Ka Daawo: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY