Wasaaradda Deegaanka Oo Xarun Duur Joogta Lagu Xanaaneeyo Ka Hirgelinaysa Geed-Deeble

0
769

Geed-deeble (Hargeisa Press): Agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga
Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa shalay kormeer gaaban ku tegay Seere-Kaymeed ka Geed-deeble.


Halkaasoo dawlada Somaliland oo kaashanaysa haayadda Cheetah Conservation Fund (CCF) iyo African Park Network ay qorshaynayso sidii looga dhigi lahaa Xarumo lagu xanaaneeyo Duur joogta ama (National Park).


Kormeerkaas eaxa ku eehelinaayay agaasimaha cubno ka mida masuuliyiinta wasaaradda, madaxa haayadda CCF iyo madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland Stewart Brown.

Wasaaradda Deegaanka iyadoo Kaashanaysa , Maamulka Gobolka Maroodijeex, Maamulka Degmada Daarasalaam, Wakaaladda Biyaha Hargaysa, NADFORD iyo Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Waxaa u suurto gashay in ay ka raraan ilaa 250 oo isugu jira Reer guuraa iyo dad Seerah si joogta ah u dhex deganaa. Dadka intii aan Xoolo dhaqatada ahayn waxa dib u dejin loogu Sameeyay Degmada Daarasalaam.


Wasaaraddu waxay u mahad-celinaysaa Madaxwaynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi oo intii hawshaasi socotay aad isu garab-taagay, dhaqaalihii ku baxayayna u Qoondeeyay.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY