Wasiir Mareexaan oo Sheegay In Aanay Soomaaliya Xukumin Hawada Somaliland

0
655

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay sheegashooyinka been abuurka ah ee ay Soomaaliya ku sheegato inay xukunto hawada dalka Somaliland.

Wasiir Cali Mareexaan, ayaa waxaa uu sheegay in aanay Soomaaliya hawada Somaliland xukumin xataa Boqolkiiba hal.

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in Xukuumadda iyo dadka reer Somaliland ay gabi ahaanba diidan yihiin sheegashooyinka been abuurka ah ee ka soo yeedhay Maamulka Muqdisho ee ku wajahan maamulka hawada.

Wasiir Mareexaan, ayaa wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Bartiisa X ee hore loo odhan jiray Twitter, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Dawlad aan xukumin hawada xataa Boqolkiiba hal (1%), ayaa weli sheeganaysa inay maamusho hawada.

Su’aasha taas ka dhallanaysaa waxa ay tahay: “Sidee bay u hirgelin kartaa badbaadada duulimaadyada rayidka ah  marka horeba?

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda u xukuntaa hawadeeda. Sidaas darteed, Xukuumadda iyo dadka reer Somaliland waxa ay gabi ahaanba diidan yihiin sheegashooyinka been abuurka ah ee ka soo yeedhay Dawladda Muqdisho ee ku wajahan maamulka hawada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here