Wasiir Koore oo Kulan La Qaatay Maamulka Gobolka Sool iyo Gudida Covid-19

0
1548

Laascaanood (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa kulan la yeeshay maamulka gobollada Sool, Xaysimo iyo guddida Covid-19 ee gobolladaas.

Wasiir Koore ayaa kulankan la qaatay guddoomiyeyaasha gobollada Sool, Xaysimo, oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka ee gobollada bariga sareeyo guuto Cali Barre Xuseen, taliyaha qaytbta ciidanka booliska ee gobolka Sool gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Gooni, maayarka degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale iyo guddida xannuunka Coronavirus ee gobolka Sool.

Ugu horayn waxa kulankaas wasiirka warbixin ku siiyey guddida xannuunka Covid-19, oo ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay iyo waxyaabaha u qorshaysan, kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay wacyigelinta bulshada ee ku waajahan xannuunka khatarta badan ee Coronavirus, iyaga oo halkaas ka sheegay baahiyaha ka jira ee la xidhiidha xannuunkaas halista badan covid-19.

Sidoo kale, waxa iyana halkaas ka hadlay guddoomiyeyaasha gobollada Sool iyo Xaysimo Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo ka xogwaramay xaaladda nabadgalyo ee gobolladaasi iyaga oo xusay in xaaladda nabadagalyo ee gobolladaasi ay aad u wanaagsan tahay wakhtigan.

Geesta kale, wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo kulankaas soo afmeeray ayaa ugu horayn u mahad celiyey guddida u diyaar garawga iyo ka hortagga xannuunka Covid-19, ee gobolka Sool, isaga oo bogaadiyey dedaalka xoogan ee ay ugu jiraan in ay bulshada ka wacyigeliyaan xannuunkaas, wuxuuna intaas ku daray in guddida heer qaran ee cudurka Coronavirus ay ku dedaalayaan sidii ay u soo gaadhsiin lahaayeen wixii taakulayn ah ee loogu talo galay gobollada Sool iyo Xaysimo, isla markaana wuxuu guddidaas kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dedaalkooda ku waajiahan xannuunkaasi.

Waxa kale, oo uu wasiir koore kula dardaarmay guddoomiyeyaasha gobollada Sool, Xaysimo iyo taliyeyaasha ciidamada Mulatariga iyo Booliska ee gobolladaas in ay xoojiyaan xuduudaha xiligan lagu guddo jiro xaalada xannuunka coronavirus maadaama oo xuduudaha laysaga gudbayo in la hubiyo dadka ka soo gudbaya lana xaqiijiyo xaaladooda caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here