Dibad-baxyo Rabshado Wata oo Ka Dhacay Jabuuti

0
2241

Djibouti (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya dalka Jabuuti gaar ahaan caasimadda dalkaasi ayaa sheegaya in galabta halkaasi uu ka dhacay dibad-bax lagaga soo horjeedo xadhiga sarkaal ka tirsanaa ciidamada cirka dalka Jabuuti oo shalay soo duubay muuqaal isagoo xabsiga ku jira.

Dibadbaxayaal ka cadhaysan xadhiga Askarigaasi ayaa wadooyinka ku gubay Taayirro, kuwaas dalbanayay in dowladu xabsiga ka sii dayso Askarigaasi.

Ciidanka booliiska ayaa markii dambe kala eryay dadkii dibad-baxa dhigayay.

Askariga oo la sheegay inuu ahaa duulliye ayaa magaciisa lagu sheegay Fu’ad Yousuf Ali, ayaa hadal-hayntiisu baraha bulshada qabsatay, kadib markii uu muuqaal isaga soo duubay gudaha xabsiga, isagoo sheegay in lo gaystay dulmi, islamarkaana uu ku dhex xidhan yahay suuli aan nadaafadeeda ayna wanaagsaneyn.

Maxbuus Fu’ad, ayaa sheegay in markii hore xabsiga loo geliyay, kadib cabasho uu ka muujiyay dulmi ka haystay saraakiisha isaga maamusha waxaana uu sheegay in badalkeeda uu ku muteystay xabsi la dhigay.

Xaaska maxbuuska xidhan oo muuqaal ay soo duubtay soo gelisay baraha bulshada ayaa shacabka Jabuuti ka dalbatay, in ay garab istaagan iyada iyo saygeeda, oo sida ay sheegtay dulmi iyo xaq-darro ku xidhan yahay.

“Aniga oo Fu’aad Yuusuf Cali xaaskiisa ah waxaan shacab weynaha u sheegayaa Fu’aad maanta dhibka iyo halka uu ku jiro waa uu idiin tusay wax idinka qarsoon majirto, Fu’aad maalintii uu hoygiisa ka baxayey dhimasho waa uu u badheedhay markii uu dowladda farageliyey ama uu xaqiisa doontay nin xaqiisa doonta Jabuuti wuu ogaa in hoggaa iyo meel kale la gelinayo, lakiinn waxaan idiin sheegayaa inuu geesi qaran yahay isaga oo suuli ku jira ayuu muuqaal soo duubayaa waxaan u sheegayaa shacabka Jabuuti anigu gambada cad waan xidhaye adinku ma is xoreyseen” ayay tidhi.

Dowladda Jabuuti weli kama hadlin dhacdadaaas, oo saacadihii u dambeeyay baraha bulshada qabsatay, inkastoo la soo sheegayo in ay saaka awood ciidan u adeegsatay shacabka dibax-baxyada dhigayay waxaana la ogeyn halka ay biyo shuban doonaan kacdoonka shacabka ee ka dhashay askariga sheegay in dulmi uu ka tirsanayo dowladda.

Madaxweynaha Ismaïl Omar Guelleh, ayaa marar kala duwan lagu eedeeya xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka, kuwaas oo u badan xabsi iyo ciqaab la mariyo kooxaha mucaaradsan dowladdiisa.

Ismaaciil Cumar Geele oo markii u horraysay xilka madaxtinimada Jabuuti ku guulaystay sannadkii 1999, ayaa saddex jeer oo dambe dib loo doortay sannadihii 2005, 2011, iyo 2016, waxaana dhammaan doorashooyinkaas  lagu tilmaamay kuwa uu ku shubtay.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here