Wasiir Kaahin oo Sheegay In Aanay Xukuumaddu Ogolaan Doonin Khal-khal-gelinta Laascaanood

0
1732
Wasiir Kaahin oo Lagu Eedeeyay Sharci Jebin

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadu aanay ogolaaynayn in nabadgalyada Laascaanood ay khal-khal gasho.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasinada xuska 29 guurada ka soo wareegtay aasaaska ciidamada Qaranka Somaliland oo lagu qabtay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in aanay ogolaanayn cid kasta oo iskudayda in ay dhibaatayso shacabka magaalada.

Waxaanu yidhi.”Waajibaadka qaran ee ina saarani waxa weeyi in aynu ilaalino nabadgalyada Laascaanood, nabadgalyada Laascaanood cidna kusii dayn mayno doonaysa maatida iyo shacabka in ay dhibaatayso, waynu ka qabanaynaa, waynu ka horjoogsanayna dadka shicibka ahna waxaynu leenahay walaalayaal sabab idin qixisa ma jirto”.

Wasiir Kaahin, ayaa waxaa uu sheegay in Garaadada Laascaanood fadhiya ay ka rajaynayaa wixii lagu yaqaanay aabayaashood oo ah ka talinta nabada, waxa uu sheegay in ay ogolaadeen in magaalada lagu dhexqaato calanka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase iyo dhibaato.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in ciidamada garaadada soo dhawaynayay ay ahaayeen ciidamo deegaanka ah, oo ay ilaalinta salaadiinta u xilsaareen saraakiisha reer Laascaanood ee ciidanka ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here