Ilhaan Cumar oo Laga Saaray Guddiga Arrimaha Dibadda Ee Congress-ka

0
769

Washington (Hargeisa Press) – Xisbiga Jamhuuriga, ayaa Xildhibaan Ilhaan Cumar ka xayuubiyay xubinimadii guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, taasoo muujinaysa xiisadda ka dhex aloosan aqalkaasi gudihiisa.

Waxay u codeeyeen in Ilhaan laga saaro guddiga arrimaha dibadda sababo la xidhiidha hadallo ay hore uga tidhi Israa’iil.

Jamhuuriyiinta, ayaa sheegaya in tallaabadani ay dirayso fariin xooggan oo ka dhan ah nacaybka.

Laakiin Dimuqraadiyiinta iyo Ilhaan Cumar, ayaa sheegay in arrintani ay tahay aargoosi kadib markii laba xubnood ooJamhuuriyiin ahaa laga saaray guddiyo 2020 markaas oo Dimuqraadiyiintu ay haysteen aqlabiyadda Aqalka.

Jamhuuriga, ayaa haatan leh aqlabiyadda Aqalka Congress-ka sidaas awgeedna iyaga ayaa soo magacaabay dhamaan xubnaha kala duwna ee aqalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here