Yagoori (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa shaaciyay inuu u tartamayo doorashadda golaha Wakiiladda ee la filayo in ay horaanta sanadkan dalka ka qabsoonto.
Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), oo maanta warbaahinta kula hadlay degmada Yagoori ee gobolka Sool, halkaasoo uu hawlo shaqo u joogo waxa uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax u taagan golaha Wakiillada Somaliland.
Wasiir Faratoon, oo shaacintiisa maalmahanba aad loogu hadal hayay barasha Internet-ka ayaa sidoo kale loo saadaalinayaa in haddii uu doorashadaasi ku soo baxo inuu ku tartamo guddoomiyaha golaha Wakiillada.
Dhinaca kale wasiirka ayaa arrintan shaaciyay isagoo aan weli iska casilin xilka wasiirnimadda arrimaha diabdda ee Somaliland oo uu hadda ka hayo xukuumadda madaxweyne Biixi.
Waa wasiirkii u horeeyay oo xukuumadda madaxweyne Biixi ka tirsan ee shaaciya inuu yahay murashax u tartamaya doorashadda golaha Wakiiladda oo la qorsheeyay in ay badhtamaha sanadkan dalka ka qabsoonto.
Hagreisa Press.com/Hargeisa Somaliland.