Wasaaradda Warfaafinta oo Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen u Gudbisay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.

0
855

HARGEISA , (HargeisaPress) —Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta u Gudbisay Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen kadib Markii uu Maanta Baahiyey Warar .

 

Qoraal uu ku Saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan Ilka Case oo Nuqul ka mid ah aanu helnay ayaa u dhignaa Sidan:-

 

“Mudane Xeer ilaaliye Guud Waxaan halkan kuugu soo Gudbinayaa Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen Caddadkiisii soo baxay Maanta oo arbaca ah Bishuna tahay 6.April 2016 Tirsigiisuna ahaa 1829 oo lagu  daabacay War been abuur ah oo Ciwaan looga dhigay “Wasaaradda Warfaafinta oo Musuq Maasuq Hadheeyay Iyo Baabuur Wasaaradu lahayd oo hay’ad laga Kireeyay” sidoo kalena lagu sheegay in Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta kaas oo Sababay sida Wargaysku yidhi in Agaasimaha Guud Shaqada ka soo Xaadiri Waayo.

 

Muddane Xeer ilaaliye Warka Wargaysku qoray laguma sheegin meel uu warkaas ka soo xigtay Sidoo kalena wax Xidhiidh ah lama uu soo samayn Cida uu Khuseeyo Warkani ka hor intii aanay Faafin.

 

Mudane Xeer Ilaaliye Waxaan u arkaa in Warka Wargaysku qoray uu Xadgudub shakhsi ah u gaystay Anigoo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu Guud ahaan Meel kaga dhacay Haybadii Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta.

 

Sidaasi awgeed waxaan kaa Codsanayaa inaad noo furtaan Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen.

Dhanka Kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa isla maanta  u Gudbisay Xeer ilaalinta Qaranka Dacwad ka dhan ah Wargayska Waaheen oo Kadib markii uu maanta faafiyey War uu Ciwaan uga dhigay “Warbaahinta oo Heshay Nuqul Sir ah oo Muujinaya Kumanaan Kun oo dollar oo laga lunsaday Kastamka Magaalada Hargaysa.

 

Geesta kale qoraal aanu ka helnay Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa Dacwada labadan Wasaaradood ku soo oogeen Wargayska Waaheen u Gudbisay Laanta danbi baadhista ee CID.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here