Machadka Shaqaalaha Dawladda JSL Oo Bilaabaya Waxbarashadda Master Degree

0
282

Hargaysa (HP): Machadka shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa maanta shaaciyay in ay dhawaan bilaabayaan bixinta waxbarashadda heerka labaad ee Masters Degree-ga.

Sidoo kale machadka shaqaalaha dawladda Somaliland ayaa isla maanta waxaa shahaadooyinkoodii la guddoonsiiyay 54 qof oo shaqaale dawladeed ah, kuwaasoo dhamaystay waxbarashadda heerka labaad ee Master Degree.


Munaasibad loo sameeyay daah-furka waxbarashada heerka labaad ee uu bilaabayo jaamacadda shaqaalaha dawladda Somaliland oo lagu qabtay xarunta machadka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Masuuliyiintaasi waxaa ka mid ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Siciid Bustaale, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, agaasimaha fulinta ee machadka shaqaalaha dawladda Cumar Iid Qaloombi, masuuliyiin, iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka qayb galay xubno ka socday jaamacadaha dalka Ethiopia, oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha jaamacadda Gimba, ee dalka Ethiopia, iyo masuuliyiin ka socday machadka shaqaalaha dawladda ee dalka Ethiopia ee loo soo gaabiyo ECSI.

Agaasimaha fulinta jaamacadda shaqaalaha dawladda Somaliland Cumar Iid Qaloombi, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in cilmi baadhis ay hore u sameeyeen ay ku ogaadeen shaqaalaha dawladda Somaliland ay u baahan yihiin in ay helaan waxbarashadda heerka labaad ee Master Degree-ga.

Si ay shaqaalaha dawladu si hufan ugu qabtaan shaqooyinka qaranka ee ay gacanta ku hayaan.

Waxaanu tilmaamay in markii hore shaqaalaha dawladda Somaliland ee ku guulaysta deeqaha waxbarashadda heerka labaad ee Master-ta loo diri jiray dalka Ethiopia. Balse hadda uu machadka shaqaalaha dawladda Somaliland bilaabay bixinta waxbarashadda heerka labaad ee Master-ka, taasoo ay shaqaalaheenu kaga maarmayaan waxbarashadii ay wadamadda dibadda u tegi jireen.

Cumar Iid Qaloombi, waxa kaloo uu sheegay in waxbarashadan heerka labaad ee laga bilaabayo jaamacadda shaqaalaha dawladda Somaliland ay u diyaariyeen kbubaradii, iyo macalimiintii dhigiyay, iyadoona lagu qaadan doono afar Kuliyadood oo kala duwan, kuwaasoo la xidhiidha dhinaca arrimaha maamulka dawliga ah.

Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay waxbarashadda heerka labaad ee jaamacada ee uu bilaabayo machadka shaqaalaha dawladda Somaliland. Taasoo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo muujimaysa horumarka uu sameeyay machadka shaqaalaha dawladu.

Sidoo kale Khaalid Qodax, ayaa hanbalyeeyay 54 arday ee shaqaalaha dawladeed ah ee dhamaystay waxbarashadda heerka labaad ee Master-ka, kuwaasoo isla xafladaasi shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay.

Waxaanu shaqaalahaasi kula dar-daarmay in aqoonta ay barteen ay ka muuqato shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Siciid Bustaale, oo isna halkaa ka hadlay ayaa jaamacadda shaqaalaha dawladda ku bogaadiyay dedaalka ay ugu jirto horumarinta, iyo tayaynta aqoonta shaqaalaha dawladda.

Siciid Bustaale, ayaa sidoo kale machadka shaqaalaha dawladda ee CSI ku amaanay shaacinta bilawga bixinta waxbarashadda heerka labaad ee Master-ka, taasoo uu ku tilmaamay mid ay shaqaalaha dawladu baahi weyn u qabeen.

Geesta kale Maxamed Mixile Boqore, oo ahaa agaasimihii lagu aasaasay machadka shaqaalaha dawladda Somaliland sanadkii 2005-tii, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay waxbarashadan cusub ee lagu soo kordhiyay jaamacadda shaqaalaha dawladda Somaliland.


Gebagabadii munaasibadaasi waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay 54-ka arday ee ka tirsan shaqaalaha dawladda Somaliland ee dhamaystay waxbarashadda heerka labaad ee Master-ta.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here