Wasaaradda Daakhiliga JSL oo Taliyayaasha Ciidamada Kala Shirtay Adkaynta Amniga Gudaha iyo Xuduudaha

0
362

Hargaysa (HargeisaPress)–Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee dalka kala shirtay adkaynta amniga gudaha iyo kor-u-qaadista xuska maalinta Qaran ee 18 May.

Xarunta Miiska Saraakiisha waxaa ka qabsoomay shirkii amniga, kaasoo ku saabsanaa adkaynta amniga guud ee dalka, gaar ahaana amniga gudaha iyo xuduudaha Dalka.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliyaha Ciidanka Daba-damis, Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka, Booliska, iyo sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Shirkan amniga ayaa waxaa kale oo lagu falaqaynayey u diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18 ka May, taasoo si wayn loogu diyaar garoobayo shacab iyo Dowladba, iyadoo la isla qaatay in la dardargeliyo wada shaqaynta lamaha amniga iyo xoojinta amniga, iyadoo shacabka Jamhuuriyaddana Somaliland na ay markasta doorkooda ka qaataan ilaalinta nabadgalyada iyo la shaqaynta Ciidamada kala duwan ee u taagan sugid nabadgelyada.

Kulanka Amniga ayaa ah kulan aad loogu gorfeeyo adkaynta nabadgelyada iyo ilaalinta xasiloodinda dalka, kaasi oo diirada lagu saaro sidii looga feejignaan lahaa xaaladda amni ee xuduudaha dalka, loolana socon lahaa cid kasta oo ka soo gudbaysa, balse kulanka amniga todobaadkan waxa ku cusbaa in aad looga doodo sidii loo waynayn lahaa xuska maakinta Qaran ee 18-ka May oo inagu soo fool leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here