Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL oo Yeelatay Kulan ay Ugu Diyaar-garoobayaan Xuska 18 May

0
191

Hargaysa (HargeisaPress)– Masuuliyiinya wasaaradda arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa yeeshay kulan ay ugu diyaar-garoobayaan xuska maalinta Qaran ee 18 May oo inagu soo fool leh.

Waxaa saaka ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah shir daarranaa u diyaargarawga munaasibadda Qaran ee 18-ka May.

Guddida Qabanqaabadda Munaasibadda Qaran ee 18-ka May ee wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL oo ka kooban Agaasime-waaxeedyadda iyo La-taliyeyaasha Wasaaradda, ayaa soo bandhigay qorshe-hawleedkoodii munaasibada Qaran ee 18-ka May iyo halka ilaa hadda hawluhu u marayaan.

Shirka waxa shir gudoominaysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, marwo Rooda Jaamac Cilmi, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda mudane Ahmed Abokor Mohamed, waxaa sidoo kale qayb ak ahaa dhammaan guddigii qabanqaabadda ee munaasibadda qaran ee 18-ka May.

Wasaaradda Arrimaha Dibeddu waxay qorshaynaysaa inad sanadkan Xuska Maalinta Qarannimada ee 18-May loo xuso si wayn maadaama uu sanad kani yahay sanadkii Ictiraafka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here