Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM oo Dib u Casriyey Ku Samayn Doonta Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium + SAWIRRO

0
754

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dib u casriyeyn casri ah ku samayn doonto garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, waxaanay ka shaaciysay munaasibada ka qabsoontay maanta garoonka.

darbo telesom

Munaasibaddan lagu shaacinaayey mashruucan shirkadda TELESOM ku casriyeynayso garoonka kubadda cagta ee magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ciyaaraha, Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradda iyo Masuuliyiinta Shirkadda TELESOM.

IMG_5862

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda TELESOM Maxamed Cabdi Darbo oo ka hadlay munaasibadda ayaa ugu horayn u mahadnaqay wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, Agaasimaha Guud iyo Agaasimyaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda. Md. Maxamed Darbo xukuumadda Somaliland ku amaanay gaar ahaan madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo horumarka iyo rooga cagaaran ee la dhigay garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium, kaasi oo uu sheegay inuu la jaanqaadayo garoonadda casriga ah ee dalalka jaarka ah ka jira.

IMG_5844

Md. Darbo ayaa ka waramay xidhiidhka ka dhaxeeya wasaaradda ciyaaraha iyo shirkadda TELESOM waxaanu yidhi, “Shirkaddan TELESOM oo ka mid ah shirkadda wadanka ka shaqeeya, runtiina ah shirkadda umadda Somaliland ay wadda leedahay, isla markaana ah shirkadda u hiilisa dhalinyaradda ayaa waxaa xil naga saaran yahay arimaha muhiimka ah ee ciyaaraha oo aanu qayb laxaadle ka qaadano. Wasaarada ciyaaraha oo runtii aanu xidhiidh dhow leenahay muddo dheer laga soo bilaabo 2001 ilaa hadda oo Siligaa aad hadda arkaysaan isagoo garoonku baaba’san yahay ayey shirkaddu ku xidhay waxaanu doonaynaa maantana in aanu qayb laxaadle ka qaadano”

IMG_5873

Agaasimaha Qaybta Horumarinta Arimaha Bulshadda ee Shirkadda TELESOM Md. Cabdiwahaab Maax ayaa sharaxaad ka bixiyey in isbadalka lagu sameeyey garoonka uu ku dhiiri galin doono dhaliyaradda inay jidhkooda iyo maskaxdooda dhisaan. Md. Maax ayaa sheegay shirkadda TELESOM waxa ay tahay, waxaanu yidhi, “Shirkadda TELESOM haddaanu nahay waajib baa naga saaran ummaddayadda aanu la shaqayno ee aanu ka shaqaysano. Waa shirkadd umaddu wadda leedahay oo sida garoonkaa qarankani u leeyahay oo ay Somaliland u waddaagto qaranimadda sidoo kale shirkaddani waa shirkadda ay wadaagaan ummadda Somaliland, tuulo kasta oo dalka ku taala waxaad ugu tagaysaa qof shirkadda saami ku leh, waa shirkadda Qaranka oo dhani wadda leeyahay”

IMG_5897 (1)

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here