Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo sheegtay in 29 qof laga helay Covid-19, 48-kii saacadood ee u dambeeyey.

0
666

Hargeysa (HargeisaPress)-Wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in 29 qof laga helay xannuunka Covid-19, 48 saacadood ee u dambeeyey, iyada oo aanay jirin waxa dhimasho ah oo cusub.

wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo si maalinle ah ula wadaagta bulshada xaaladaha ku soo kordha xannuunka Covid-19 ayaa sheegtay in 48 saacadood ee u dambeeyey baadhitaan lagu sameeyey dad ay tiradoodu tahay 147 qof, isla markaana 29 ka mid ah laga helay xannuunka Coronavirus, kuwaas oo ka kooban 24 rag ah iyo 5 dumar ah, waxayna isugu jiraan 23 ah muwaadiniyiin u dhashay Somaliland iyo 6 ajaanib ah oo u dhashay waddanka Hindiya, waxayna da’adoodu u dhaxaysaa 10 jir ilaa 59 jir.

Iyada oo wasaaraddu intaas ku dartay in dadkaas xannuunka laga helay ay ku kala sugan yihiin 16 qof oo jooga magaalada Hargeysa, halka magaalada Berbera ay ku sugan yihiin 8 qof iyo 5 qof oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxana warbixinta wasaaradda caafimaadka lagu sheegay in xannuunka laga baadhay dad tiradoodo dhan tahay 640 qof guud ahaa, waxana ka bogsaday 121 qof, halka dhimashu ay tahay 27 qof ee hore oo aanay jirin wax dhimasho ah oo cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here