Ururka Jaamacadda Carabta oo Ka Hadashay Wada-hadalladii Dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya

0
1137

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ururka jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay wadahadaladii dhowaan dalka Jabuuti ku dhexmray dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Axmed Abuu Al-Qeyd oo ah xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay wada-hadallada u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya.

Al-Qeyd ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay dadaallada sii amba-qaadida wada-hadalladaasi, isaga oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane Ismaciil Cumar Geelle ku ammaanay martigalinta shirkaasi oo 14-kii bishan ka qabsoomay dalka Jabuuti.

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in ay ka qeyb qaadan doonaan taageerada dadaalladaasi iyo ka midha dhalintooda.

Ugu dambeyn xoghayaha ayaa ballan qaaday in ay sidoo kale ka gacan ka geysan doonaan arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Hadalkan ururka jaamacada Carabta ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo dhowaan Jabuuti ay isu tageen wufuud ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, kuwaas oo wada-hadadallada labada dhinac dib uga bilaabay dalka Jabuuti, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed, sidoo kalena lagu dhisay guddiya farsamo oo u dhexeeya dhinacyadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here