Wasaaradda Beeraha Oo Guubaabisay Tacab Wax Soo Saar Oo Ay La Yimaadeen Beeralayda Dhaymoole Iyo Bixin Duule + SAWIRRO

0
1479

Hargeysa, (HargeisaPress) —Beeralayda Dhaymoole iyo Bixin duule oo ka tirsan gobolka Saaxil ayaa soo bandhigay wax soo saar ay ku sameeyeen dalagyo kala duwan oo ay ku jiraan dalagyo aan dalka hore uga bixi jirin iyo kuwo hore uga bixi jiray oo dalka ku yaraa.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xubno ka socday beeralayda oo maalinti shalay bandhigan ugu yimid xarunta wasaaradda Beeraha ayaa waxa ay masuuliyiinta wasaaradda u soo bandhigeen dalagyo kala duwan oo beerahaasi ka soo go’ay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Muus, Cambe Caad, Timir, Qarac (Geed dalka ku cusub oo wax ka tara cuduro badan), Cambe shoog, Liin macaan, Baydariin iyo midho kale oo badan oo dadka faa’iido u leh.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo madashaasi ka hadlay ayaa beeralaydan isugu daray hambalyo iyo mahadnaq uu uga mahad celiyey sida ay dalka wax ugala soo baxeen, isaga oo ku dhiirigaliyey inay intan ka sii balaadhiyaan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa odayaasha beeralayda ah ee saaka nooga yimid tuulooyinka Dhaymoole iyo Bixin duule oo uu hogaaminayo Cumar Xuseen Wacays iyo Eng: Saalax, waxaan uga mahadcelinayaa tacabka iyo dedaalka badan ee ay u galeen sidii ay dalka wax ugu soo saari lahaayeen waajibaadkii saarnaa oo ay guteen, ILAAHEY-na waxaan uga rajayanayaa inuu ka abaal mariyo”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

 

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaa ay soo saareen beerahooda ayey ka soo baxeen, tani waa Timirtii oo baryahanba wasaaradda beeruhu ku hawlanayd sidii looga soo saari lahaa gobolada Xeebaha ah, waxaan leeyahay dhulku waxba ma hagrado nin leh ayaa hagrada oo qofka dul jooga uunbaa hagrada, raggii gacanta iyo xooga galiyey way ka soo saareen, tusaale ayaanay inoo soo qaadeen”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Agaasimaha beeraha oo fariin u diray beeralayda waxa uu yidhi “Anagu waanu booqanay beerahooda aadbay uga shaqaysteen, waxaanan halkan fariin uga dirayaa beeralayda Somaliland meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa xeebaha inay wax soo saarkooda kor u qaadaan, ILAAHEY wax badan oo aad wax kula soo bixi kartaan ayuu idin siiyey, markaa dhulku idin hagran maayee xoogga galiya”.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Xubnahan ka socday beeralayda labadan deegaan ee Dhaymoole iyo Bixin duule ayaa iyaguna sharaxay wax soo saarkan ay la yimaadeen, iyaga oo sheegay inay ku soo biiriyeen beerashada midha kuwa cusub oo aan dalka hore uga bixi jirin ama ku yaraa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here