Khatarta ay leeyihiin isticmaalka xad-dhaafka ah ee Dawooyinka loo yaqaan Antibiotics-KA

0
769

NAIROBI, (HargeisaPress) — Waxaa jira wax guud ahaan la isku raacsan yahay oo ah in Daawooyinka Casriga ah ay halis ugu jirto inay waxba ka tari weydo cudurrada loogu talo-galay in lagu dabiibo, taasoo ay ugu wacan tahay soo bixitaanka Xanuunno badan oo u yeesha adkaysi daawooyinka.

Si xun u isticmaalka daawada Antibiotic ah ee loo Qaato Xanuunnada Cunaha ku dhaca iyo Hargabka waxay kordhisaa Halista ah in Cudurku Daawada iska Caabbiyo.

Saasoo ay tahay Waxaa jirta in Dhakhaatiirta Qaar ay mar walba Bukaannadooda u Qoraan Dawooyin Antibiotic ah.

 

Daawooyinka antibiotics, maxay haddaba u fiican yihiin?

 

atibiotic_512x288_bbc_nocredit

Antibiotics waxay daaweyn karaan xanuunnada ay keento bakteeriya, laakiin waxba kama taraan virus-ka ama noocyo kale oo xanuunno ah.Hargabka iyo qufaca inta badan iyo xanuunka cunaha waxaa keena virus-yo.

Jirkeenuna Wuxuu ku fiican yahay la dagaallanka Xanuunno badan oo Caadi ah, sida kuwa Caabuqa Dhegaha.

Dhakhtarkaadu waxaa keliya oo Antibiotics-ka uu ku qori karaa marka aad u baahan tahay, tusaale ahaan haddii kelli ku xanuuneyso ama oof-wareen ku hayo.

Antibiotics-ka waxay noqon karaan kuwa naf badbaadiya marka ay jiraan xanuunnada sida Meningitis oo kale.Ugu dambeyn, haddii aynaan si xun u isticmaalin Antibiotics-ka waxay u badan tahay inay wax noo taraan marka aan u baahan nahay.

 

BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here