Wasaaradda Beeraha oo Buufinta Ayaxa Ka Bilowday Deegaanada Xeebta Gobolka Awdal

0
884

Boorama (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in degaanada xeebaha ah ee gobolka Awdal ay ka bilaabeen hawl-gal lagu buufinaayo Ayaxa.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada Boorama, ayaa waxaa uu xusay in adeegsanayaan hal diyaarad iyo gaadiidka u diyaarsan in buufinta Ayaxaas ay hawl-galo ka wadaan xeebta gobolka Awdal.

Wasiir Axmed Muumin, wuxuu xusay in Ayaxani yahay Koton-kor uu dilaaciyay Ayax Somaliland ka soo galay dhanka dalka Itoobiya, kaas oo awood badan, balse wasaaraddu intii itaalkeed ah ay ku jirto dadaal lagu xakamaynaayo Ayaxaas.

Waxa kale oo uu sheegay in Ayaxani ku habsaday degaano kale oo ku yaala dhulka xeebta ah ee gobolka Saaxil, kaas oo faro ba’an ku haya guud ahaan dalagyada beeraha, siiba kuwa geed gaabka ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed wuxuu guud ahaan beeraleyda Somaliland u soo jeediyay in degaanada ay Ayaxaas ku soo wargeliyaan wasaaradda beeraha, si ay uga hawl-gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here